Danjire AMEERIKA oo ka hadlay sirtii ay safaaraddiisa ka kashiftay Fowsiya?

Nairobi (Caasimada Online) Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa ka hadlay hadal uu dhawaan sheegay mid ka mid ah diplomaasiyiinta Soomaalida ee ka shaqeeya safaaradda.

Maxamed Cali Nuur Americo oo la hadlaayay Radiyaha Dowladda ayaa sheegay hadalka uu kashifay Cabdi Sataar Xasan Cali uusan ahayn mid xaqiiqo ah.

Danjire Americo ayaa sheegay in Cabdisataar laga ceyriyay shaqada dhowr bil ka hor isla markaana uusan ku hadli karin magaca safaarada oo uu ka ahaa xog-hayaha seddaxaad.

Wuxuu sheegay in uu raali galin ka bixinaayo hadalka uu sheegay Cabdisataar isagoona intaas ku daray in dowladda ay u baahan tahay taageero.

“Aad baan uga xumahay hadalada dacaayada ah ee uu sheegay Cabdisataar, waxaan caddeenayaa in uusan ka tirsaneen safaarada ninkaas ayuu yiri” Ameerico oo u muuqday qof ka carooday hadalka uu sheegay Cabdisataar.

Si kastaba, dhawaan ayaa mid ka mid ah diplomaasiyiinta Soomaalida ee fudhida magaalada Nairobi wuxuu ka shifay war sir ah oo ku saabsan sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibedda marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan in ay dhacday lacago badan oo loogu talagalay safaaradaha Soomaalida, waxaana ay guryo uga iibsatay magaalada Nairobi.

Hadalka danjiraha waxa uu u muuqdaa mid dowladda ay ka carootay sirta ay dusisay safaaradiisa waana tan keentay in uu beeniyo hadalkaas uu sheegay Cabdisataar.

Ma cadda Cabdisataar in uu weli ka tirsan safaaradda iyo in kale, balse warkan wuxuu noqday mid wax badan iftiimiyay oo ku aadan shaqada ay heyso siihayaha xilka wasiirka arrimaha dibedda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com