Muqdisho (Caasimada.com) - Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa ka hadashay Dilka Kooxo hubaysan oo aan la ogayn ay ugaysteen Maariyihii Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee Ibraahim Imaam Xalane .
Xuseen Carab Ciise oo ah Wasiirka Gaashaan dhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Dilka Maareeyaha mid garda ah waxaana uu ku eedeeyay falkaas Ururka Al-shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga oo lahadlay Radiyaha Afka Dowlada ku hadla ee Radio Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay Xuseen Carab Ciise in Al-Shabaab aysan wax dan ah uhayn Umada Soomaaliyeed maadaama ay ka dilayaan dadka Umada Indhaha u ah qiimahana ugu fadhiyay.
Wasiirka ayaa Tacsi udiray Ehelada uu ka geeriyooda Allaha Unaxariistee maareeyaha waxaana uu Allah kaga baryay inuu Abaal mariyo Janadiisa .
Lakiin Xuseen Carab Ciise ayaa kadigay qatarta Al-shabaab waxaana uu dadka Shacabka ku booriyay inay garab Istaagaan Ciidamada Dowlada si looga hortago Al-shabaabka dadka tooganaya.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.