Gaas iyo Faroole oo ay ka dhex tafan tahay + Gaas oo loo hanjabay laguna amray inuu isaga baxo Boosaaso.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Wali Maxamad Cali gaas  hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka soomaaliya ayaa maanta waxaa u yeeray saraakiil ku sugan Boosaaso isagoo  hanjaabdna kala kulmay.

Gaas ayaa waxaa mudooyinkan uu socdaal ku soo kala bixinayay deegaano  badan isagoo kula shirayay odayaal Boosaaso dhexdeeda.

Xildhibaanka iyo Wafdigiisa ayaa gaaray halka looga yeeray oo ah Xarunta maamulka gobolka bari waxaana Madaxdii la hadashay Gaas kamid ahaa C/samad Maxamed Gallan oo ah Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Saraakiil.

Kulanka oo albaabada uu u xirnaa ayaa waxaa intaa ka dib ka soo baxay war ah in Gaas uu joojiyo kulamada ay la qaadanayaan Odayaasha,waxaana loo sheegay Cabdi Wali Gaas in amarkaan uu ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ee Madaxwayne Faroole.

Warar hoose oo ay helayso shabakada Caasimada ayaa sheegaya in Gaas uu diiday inu joojiyo kulamada uu bulshada la qaadanayo waxaana uu sheegay inuu yahay Xildhibaan soomaali ahna Muwaadin soomaliyeed uuna xur u yahay inuu shacabka la hadlo.

Gaas ayaa ku goodiyay in Puntland ay tahay halka uu ka soo jeedo,waxaana shirka lagu kala kacay iyadoo wax go’aan ah uusan ka soo bixin.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee soomaaliya iyo Madaxwaynaha Puntland ayaa meel iska arkay halkaas oo ah inuu Gaas rabo in kursiga madaxwayne ee Puntland uu faroole kula tartamo.

kubad logo4
Subscribe to Comments RSS Feed in this post

11 Responses

  1. Gaas iyo faroole koley haday is qabtaan waa niman ragga waxayna ku kala baxayaan maxkamadaha dastuuriga ee puntland AMA xeer daarood ,sida hawiyaha la is cuni mahayo waayo hawiyuhu dhaqan ma leh,sharcina weligood ma yeelan

  2. asc horta anigu waxan dhihi lahaa somali ilahey nabad ha dhex dhigo oo dhib noma labto lakin c,weli waa nin aqyara oo xagega xaga somalida inta badanba qiima kale oo masul sare somali wen u aha somaliya iney degtana kago ahntahay balse farole xakun buu ku qafiifay waa marow umada aflagadeyo iyo muruu damacisa habqabil cadifad ku kali gisa kuwasho balse farolow sorry somali qabil wey kadashay wakugu kaliga cabdi welina daa waa masul saro meshuu rabuu degi karaa somaliya wabilahi tofiq

  3. nınana waxa oow doono ma sameyn karo meesha maamul ayaa ka jıra ee ma aha ın Daaqadda laga soo galo ee waa ın Albaabka laga soo galaa. Farooleshalay waa fııcnaa ee maanta mıyoow xun yahay waxaan dhıhı lahaa ha la maqlo ınta oow meesha ka tagayo wax yar baa u haray.——– Soomalıya ha noolaato .

  4. waxaan idin lee yahay sxbayaal xeerka saxaafada meel ha uga dhicina waxaad dhah daan waxaan nahay koox isbaaro u taalo

  5. waxaan ka xumahay media wabset sheeganayah oo hadan warkiisa ku daraya ra ayigiisa

  6. Warkaas waa been, haddii ay run tahay, sida uu sheegay qoraalkaan way soo bixi doontaa haddiise ay beentahay waxbo ma dhacyaan sidaas ayaana ku ogaan doontaan in ay beentahay. Tan kale habaarka waa laga fiican yahay dhaqankaas soomalida laguma aqoonin waa ceeb,

  7. waxaa horey looyiri labadii xaqdaro ku heshiisa waxaa isku dira xaqa faroole iyo gaas waxay uheshiiyaan shiik shariif madaxweynihii hore ee somaliya iyo khatumo oo ay markaa ku hayeen dulmi maantana xaqdaradii baa iskudirtey xili gii ololaha doorashada dalka somaliya waxay ahaayeen sxb iskuna raacay caadifad xaqa hadii afka laga owdo wuxuu kadilaacaa feraha xaqii baa iskudirey

  8. asc kkkkkkkkkkkkkkkkk waxaa la yiri dadkii qaxdaro ku heshiiyo xaqeey isku dagaalan koofur nabad ayeey udiideen reer mj ilaah dhaxdooda ka qerxiyey ilaah umada ha idiinka qabto odaygan faroole ee buufiska qabo haduu dharkiisa la heshiiyo ilaah mahadii ah kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    • waa runtaa balse waxaan kugu basheryn in warkaas uuu yahay been abuur ay websitayada hawiye futa madoobe qoreen kkk marka MJ isma hayo waa u midooobey waxa uuna u midoobey in abgaal lagu cesho ceelasha biyaha habargidirna dhabarka laga tuugto, isaaqlanda isku maaweeliyaan beenta iyo rajada xun ee goosashada gobalada waqooyi kkkkkkkkkkkkkk
      viva puntland
      viva MJ
      viva darood
      ka naxoo nafta waah

  9. ilahay amarkiis faroole ma puntland ayuu lee yahay war ileen tanoo kale walee in la iska qabto weeye

  10. Waa loo baahanyaha in faroole is arkaan ninkaan. waayo Faroole waxoo ismooday inuu yahay ninka kaliya e kuhoon inuu hogaamiyo puntland, Faroole wayahanaa danbe bacdiisa aad eyeey ukacsantahay.

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: