Xaalka Kismaayo oo aan fiicneyn iyo diyaarado dagaal oo hawada taagan

Diyaarado dagaal oo ku socda jawi hoose ayaa mashqul ka dhigay hawada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, dadka deegaanka ayaa sidaas u xaqiijiyay Caasimada Online.

Diyaaradaha ayaa si gaar ah loogu arkay ayaga oo ku dhowaanaya goobo xarun u ah ama hub u yaalla kooxda Al-Shabab ee halkaasi gacanta ku heysa, inkasta oo aysan qaadin wax tallaabo ah.

Inkasta oo wax cusub aysan ahayn diyaarado lagu arkay hawada Kismaayo, oo xitaa hadda ka hor ay weeraro ka fuliyeen, haddana dadka deegaanka waxa ay sheegeen in diyaaradaha oo meel hoose ku socday ay shaki galisay ayna ahayd wax aysan maalmahan arkin.

Lama oga cidda leh diyaaradahaasi, hase yeeshee sida Caasimada Online horey u qortay waxaa jira qorshe ah in weerarka Kismaayo ay la damacsan yihiin ciidanka Dowladda iyo Amisom uu ku billaaban doono weerar dhinaca cirka ah, ayada oo kadibna ay ciidamada lugta halkaasi weerari doonaan.

Waxaa sidaas ku heshiiyay saraakiil ciidan oo ka socday dalalka Kenya, Uganda iyo Burundi oo toddobaad iyo bar ka hor ku shiray Nairobi, ayaga oo jeexaya xeeladda dagaal ee lagu qabanayo Ksimaayo.

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: