Wasaarada Amniga “Waan Fashilinay Qaraxi Shabaab ay ladamacsanayd xarunta Shirka ansixinta Dastuurka.

Muqdisho (Caasimada.com) - Wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa udirtay Fariin Ururka Al-shaabab oo ku aadan inaysan Waxyeelayn Karin ama ay is hortaagi Karin Shirka Ansixinta Dastuurka.

Cabdi samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa Al-shabaab ku eedeeyay inay kadambeeyeen Qaraxa lafishiliyay ee lagu waday in lagu Qarxiyo Xarunta Shirka.

Wasiir Cabdi Samad ayaa ku hanjabay in Al-shabaab dhalinyaradii ay usoo dirsadeen inay isku qarxiyaan Shirka iyaga Naftooda qaraxa uu kuhabsaday markii Ciidamada Dowlada ay lugaha ugu dhufteen Risaasta,waxaana uu sheegay in Amaanka aad loo adkeeyay.

Waxaa uu kutilmaamay kooxaha is qarxin rabay inay ahaayeen dhagar qabayaal fikrad Xun lagu beeray.

Cabdi samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay inay kawarhayeen Al-shaabab in maanta ay qaraxyo fulin rabaan lakiin ay ku fishilmi doonan Waxbalba oo ay layimaadaan.

Sidoo kale Qaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir oo goowdhow tagay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarkii maanta islamarkaana goobta uu kusoo bandhigay Kaarar iyo Dukumentiyo been abuur ah oo ay ku gali rabeen Shirka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: