Muqdisho(Caasimada.com)- Dhaawaca Wariye Cabduqaadir Cumar Cabadule(Quarel) oo kooxo hubaysan ay ku dhaawaceen magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo qaaday maanta Magaaladda Nairobo ee dalkaKenya.
Masuuliyiin katirsan Dowlada,Ururo iyo Xildhibaano ayaa kaqayb galay sagootinta Wariyaha oo maanta laga soo saaray dhaawaciisa Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho kadibna Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa looga qaaday diyaarad dad rikaab ah wadayNairobi.
Sidoo kale Xaalada Wariyaha iyo lasocodkiisa waxaa dhexda uxirtay Weriyaasha kahowlgala Muqdisho oo maanta goob joog ahaa markii Wariyaha laga qaadayay garoonka Aadan Cadde.
Masuuliyin katirsan Dowlada oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in gacan ka gardaran ay haleeshay Wariyaha TVga Universal Cabduqaadir Cumar Cabadule waxaana ay urajeeyeen inuu Allaah Caafimaad uu siiyo.
Todobadii bishaan ayay ahayd markii dabley hubaysan ay weerareen Wariyaha kuwaas oo risaasta ugu dhuftay Colaasha iyo luguha lakiin hada xaaladiisa waa ay wanaagsantahay.
Daawo Sawirada
Xafiiska Wararka Muqdisho


















You must log in to post a comment.