Wararka Suuqa kala iibsiga cayaartoyda ee Wargeysyada Ingiriiska (Transfers Gossip)

Tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa ka wal walsan inuu ka haray tartankii loogu jiray saxiixa weeraryahanka Arsenal Robin Van Persie oo 28 jir ah - Daily Mail.

Naadiga Seria AC Milan ayaa wada hadallo la furtay weeraryahanka Arsenal Nicklas Bendtner oo ay dooneyso inay keento Italy – Metro.

Manchester United ayaa daba ordeysa qad dhexlaha kooxda River Plate iyo dalka Argentina Ezequiel Cirigliano oo 20 jir ah, kaasi oo ay sidoo kale doonayaan Manchester City iyo Paris St Germain – Daily Mirror.

Guddoomiyaha Tottenham Daniel Levy ayaa mar kale ku adkeystay in wax ka yar 40 milyan oo gani aanu ku iibin doonin Luka Modric – The Times.

Weeraryahanka ka tagaya Manchester United Dimitar Berbatov oo 31 jir ah ayaa laga yaabaa inuu ku biiro kooxda Zenit St Petersburg ee dalka Russia, oo shaacisay inay xiiseyneyso – talkSport.

Liverpool iyo Tottenham ayaa qaboojiyay xiisahii ay u qabeen saxiixa goolhayaha France iyo Kooxda Lyon LIoris – Daily Express.

Bayern Munich ayaa lagu wadaa inay u dhaqaaqdo sidi ay ula soo saxiixan lahayd qad dhexlaha kooxda Manchester City Nigel de Jong oo 27 jir ah, kadib markii ay ka talo baxday xiisaheeda xidigga Spain Javi Martinez – The Guardian.

Tottenham ayaa Newcastle, Fulham iyo Swansea kula biirtay orodka loogu jiro saxiixa garablihii hore ee Liverpool Ryan Babel oo ah 25 jir ay iska nacday kooxda Jarmalka ee Hoffenheim – The Independent.

liverpol ayaa lagu wadaa inay 10 milyan ku gor goriso weeraryahanka Swansea Joe Allen oo 22 jir ah – Metro.

Zenit St Petersburg ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca Liverpool Martin Skrtel oo 27 jir ah, oo ay sidoo kale doonayaan Napoli iyo Man City – The Sun.

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: