Wararka Suuqa kala iibsiga cayaartoyda ee Wargeysyada Ingiriiska (Transfers Gossip)

Arsene Wenger ayaa muujiyay in Arsenal ay weli damac badan lee dahay, isaga oo 9 milyan u yaboohay saxiixa qad dhexlaha gool dhaliska ku wanaagsan ee kooxda reer Brazil ee Corinthians – The Times.

West Ham ayaa u dhaqaaqday sidi ay ula soo saxiixan lahayd weeraryahanka Manchester United Dimitir Berbatov oo shalay sheegay inuu doonayo inuu kooxda ka tago – Daily Mirror.

Isku dayada Manchester United ay kula soo saxiixaneyso Lucas Moura ayaa wajahaya caqabado dhaqaale kadib markii ay soo baxeen in kooxda Sao Paulo ay ku dooneyso iibkiisa 34 milyan oo gani – Daily Mail.

Chelsea iyo Man United ayaa heegan galay kadib markii ay soo baxday in xiddiga ay doonayaan ee Vergas uu doonayo inuu ka tago kooxda Napoli – The Independent.

Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay tahay kooxda kaliya ee Modric uu doonayo inuu ku biiro, waxaana guddoomiyaheeda Florentino Perez uu u sheegay saaxiibadiis inuu heshiiska soo geba gebeyn doono waqti dhow – The Guardian

Weeraryahanka Liverpool Andy Carroll ayaa u sheegay wakiiladiisa inay xaqiijiyaan sidii uu dib ugu laaban lahaa kooxdiisa hore ee Newcastle United – Newcastle Evening Chronicle.

Lille iyo Merseille ayaa rajeynaya inay ka dhaadhiciyaan Loius Saha oo 33 jir ah inuu kusoo laabto France – talksports.

Chelsea ayaa 60 Milyan oo gani kula soo wareegi doonta xiddiga Oscar oo u cayaara kooxda Internacional ee dalka Brazil iyo Edison Cavani oo ka tirsan Napoli – The sun.

Arsenal ayaa ugu dambeyn ka quusatay inay ka dhaadhiciso Robin van Persie inuu sii joogo kooxda, waxaana ay dyaar u tahay inay iibiso – The Sun.

Manchester City ayaa ah kooxda kaliya ee diyaarka la ah in lacag kasta ay ku bixiso saxiixa Van Persie - The Guardian.

 

 

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: