Muqdisho (Caasimada Online) Saraakiil u hadmay shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ee laga lee yahay dalka Turkiga ayaa daaha ka rogayi n ay jiraan dad Soomaali ah oo iyagoo isticmaalaya baasaboorro been abuur ah ku safra diyaaradda si ay u galaan Yurub.
Afhayeen u hadlay Turkish Airlines, oo lagu magacaabo Merve Oruc ayaa sheegay in la ogaaday dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo isticmaala baasabooro been abuur ah si ay ugu galaan Yurub.
Wuxuu sheegay Mr. Oruc in arrintaas ay wax qaban doonaan isla markaana hadda billaabeen baaritaan.
Wuxuu intaas ku daray in ay la shaqeen doonaan taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya si looga hartago arrintaas.
Ugu dambeen sarkaalkan u hadlay diyaaradda Turkish Airline ayaa xaqiijiyay in diyaaradda aysan joojin doonin duulimaadkeeda Soomaaliya ku immaaneyso.
Si kastaba, dhowr cisho ka hor ayaa taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud wuxuu sheegay in ay qaati ka taagan yihiin dadka baasaboorrada been abuurka wata, kuwaasoo raba in ay aadaan Yurub.
Gen: Gaafow ayaa intaas ku darayn in sii socoshada falalka noocaan ah ay keeni karaan in ay Turkish Airlines joojiso duullimaadka ay ku immaaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Laanta socdaalka ayaa ka dhawaajisay im kooxo muqalisiin ah ama dadka tahriibaya ay Muqdisho ka billaabeen in ay baasaboorro been abuur ah u sameeyeen dadka magangalyo doonka ah ee raba in ay Yurub galaaan.
Diyaaradda Turkish Airline waa diyaaradda kaliye ee Soomaaliya imaada isla markaana Yurub iyo Asia u safarta.
Caasimada OnlineĀ
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.