W/Q: Axmed Cali Sheikh
https://www.facebook.com/alaxmed
Madaxweynaha Somalia ayaa ka gabaad siiyay hogaamiye sare oo burcad badeed ah in la xiro, isaga oo usoo saaray baasaboor diblomaasi, sida lagu sheegay baaritaan ay sameysay Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa.
Kooxda Kormeerka QM ee Somalia The UN Monitoring Group ayaa warbixin ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM ku sheegtay in hogaamiyayaal sare oo ka tirsan burcad badeeda ay ka faa’iideysanayaan gabbaad ay siiyaan mas’uuliyiinta Dowladda KMG ah ee Somalia, islamarkaana aan si toos ah loola bartilmaameedsan xariga iyo cuna qabateynta beesha Caalamka.
Kooxda ayaa sheegtay inay heshay caddeymaha baasaboor diblomaasiyadeed oo uu amarkiisa bixiyay Madaxweyne Sharif Sheikh Axmed, kaasi oo loo soo saaray hogaamiyaha burcad badeeda Maxamed Cabdi Xasan “Afweyne”, oo tusay mas’uuliyiinta dalka Malaysia, mar uu safar ku tagay halkaas.
Mar ay su’aalo weydiiyeen Waaxda Socdaalka Malaysia, ayaa Afweyne waxa uu lasoo baxay document uu saxiixay Madaxweyne Shariif oo qeexaya inuu ku lug lee yahay howlo looga hor tagayo burcad badeednimada, sida warbixintu tiri.
Warqad uu dhinaciisana u qoray Guddiga Cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka 12-kii July ayaa Madaxweyne Shariif waxa uu ku sheegay in warbixinta UN Mointoring Group ay tahay mid hal dhinac ah.
Warqadda ayuu Madaxweynaha ku yiri in qofka qoray warbixinta Guddiga uu doonayo inuu dhaawaco sharafta xubno gaar ah oo ka tirsan Dowladda Somalia, isaga oo ku tuuraya eedeymo aan sal lahayn.
Warbixinta ayaa sidoo kale dhaleeceysay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ay ku sheegtay inay ku guul darresyteen inay xiraan hogaamiyayaasha caanka ah ee burcad badeedda, ayaga oo taa beddelkeeda si been guur ah u xir xiray maleeshiyada aan miisaanka culus lahayn.
Warbixinta waxa ay tibaaxday in hogaamiyaha kaliya ee Puntland ay xirtay uu yahay Abshir Boyah, isagana lagu xukumay shan sano oo xabsi ah taasi oo wax badan ka yar 20-ka sano ee lagu xukumay burcadda badeeda yar yar.
Mas’uuliyiinta Dowladda KMG ah ee Somalia iyo kuwa Puntland oo ay Caasimada Online la xiriirtay waa ay diideen inay wax jawaab ah ka bixiyaan eedeymahan cusub.
Kooxda UN Monioring Group ayaa laba maalmood ka hor warbixin kale ku eedeysay madaxda Somalia inay 70% daqligii Somalia jeebka ku shubteen, waxaana ay iminka wajahayaan cuna qabateyn caalami ah, sida aan shalay qornay. Halkan ka Aqri warbixintaas
Madaxda Dowladda KMG Somalia oo wajahaya cunaqabateyn caalami ah .













07/18/2012 at 4:12 AM
waa la yaab hab dhaqanka shariifyada iyo dowladda taagta daran