Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi lix iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-
- Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.
- Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.
- Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.
- Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.
- Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.
- Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).
- Labay u shuban tahay: labada dhaban.
- Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.
- Hal ay u qoran tahay: waa sanka.
Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.
La soco qormada xigta Carabta iyo Quruxda insha allah
W/Q: Sabriye Macalin Muuse.













12/02/2012 at 12:07 AM
What about the man????? Mmmmm……they have to fulfil too!
11/29/2012 at 11:42 PM
ma taqaanaan qurux ee anigaa idiin tilmaamaya quruxda ……. ha madoobaate cirid cadna ha lahaato,,,,,ha gaabnaato hana luga yaraato ,,,, buurnaato kelyahana ha u sii buurnaato……. ha madaxweeynaato hana daba yaraato,,,,,,,, ha tima adkaato micihana lakab ha ku lahaato….ha indho weynaato hana gooorgaabnaato,,,,,,,,,, ha sanweynaato hana naasa weynaato,,,, dalbo ama wegdo mid kood ha lahaato,,,taas ila soo ogaada
11/29/2012 at 6:52 PM
gabay wanaagsan iga dheh kkkkkk
11/29/2012 at 6:42 PM
laakiin maku dartay xisaabta hadii intaas laga helo oo aad maagto la hadal uu caqliga dhameysterneen
11/29/2012 at 7:26 AM
wa ok wad heshey hadad inta ku aragto ha sideynin ana ma sideynaye an iskugu imano gabadha sifoy
11/29/2012 at 1:13 AM
wax ba ka maqan oo ah labo u ciriri u tahay
11/29/2012 at 12:35 AM
runta ayad ka hadashay mahad sanid