Qeybti 4-aad, Qeybihi hore halkan kala soco Qeybti 1-aad. Qeybti 2-aad Qeybti 3-aad
Andrew wuxuu aaday guriga oo aan masaajidka ka fogeyn, waxaana albaabka ka furay dhahraan oo ka walwalsaneyd waxa magaalada ka dhacaayo iyo maqnaashaha aabaheed. Marki ay ku faraxday soo laabashada aabaheed, ayuu u sheegay in ay marti la socoto lagana rabo martisoor.
Dhahraan waxaa loo sheegay in uu Maxamuud soo socdo, intey dhoola cadeysay ayey guriga horay u gashay, waqtiga ay heysatay oo yaraa, waxbey habeysay ayadana wey is naash naashtay. Maxamuud marki uu soo tukaday guriga ayuu soo abaaray, dhahraan ayaa guriga ka furtay, salaan baa la is dhaafsaday, mar dhow laguma arag iyo mashquulkaa iska badnaa ayaa la is yiri. Andrew iyo Maxamuud miiska cuntadey dul fadhiyaan, dhahraan ayaa u soo gashay waxay u sheektay, in dad farabadan ay banaan marayaan, Maxamuud ayaa istaagay dariishadana ka eegay, waaba ciidanki muqaawamada sheikhi ayaa horsocdo, dhanka madaxtooyada ayaa loo socdaa, Maxamuud isla markibo wuu dhaqaaqay albaabkuuna ka baxay, andrew waa ka daba dhaqaaqay, dhahraana waxaa loo sheegay in ay albaabka hoos ka xirato.
Andrew asaga wuxuu aaday dhanka dukaankiisi si wixi alaab ah ee uu qaadi karo u soo qaado. Maxamuud ciidanki ayuu dhexda ka galay, in cabaar ah hadii la socdayna waxaa la garaay, agagaarki madaxtooyada ee cadowga qabsaday, wixi la awooday ayaa la isku isticmaalay, saacado kadibna ciidamadi iska caabinta dib ayey u soo laabteen. Dad hadii ay dad kale qabsadaan, wey fasahaadiyaan, dadkooda sharafta lehna wey duleystaan. Ninki u sareeyey ciidamada shisheeyaha, wuxuu isugu wacay, dhamaan wax garadki magaalada, saldhiga magaalada ayaa la fadhiyaa, caga jugleen iyo amaro badan kadib wuxuu dalbaday, in uu rabo gabadha magaalada ugu qurxan….odayaashi wey is fiirfiiriyeen, waxaa la sheegay 2bo gabdhood, mid waa Zubeyda, midna waa 2bo gabdhood oo uu dhalay sheikh muxamed midood. Sheikh muxamed wuxuu ka war helay waxa la doonayo, isla markibo wuxuu u yeeray labo wiil oo ka mid ah xirtiisa, labadi gabdhood ayuu kala siiyey weyna guursadeen. Sheikh maxamed iyo ibraahim sabaax waa loo yeeray, waxaana loo sheegay in gabdhahooda la rabo, sheikh maxamed ayaa hadlay wuxuuna sheegay in gabdhihiisa la qabo xaasasna ay yihiin.
Dhahraan aad ayey uga wal walsaneyd fursada soo martay iyo sidey uga kala dhantaalantay, waxayna go, aan ku gaartay in ay Maxamuud marti qaad u sameyso maalin cayimana balanmiso. Dhahraan markay go, aankaas qaadatay, aabaheed ayey u sheegtay in Maxamuud u soo balamiyo, marti qaadna u sameyneyso. Andrew aad ayuu ugu qanacsanaa xariir dhex maro gabadhiisa iyo wiilkaan sxbkiis ah ee Maxamuud. Wuxuuna guda galay soo xero galinta Maxamuud iyo xafladaa ay dhahraan qabanqaabineyso in uu wax walbo ku dhameeyo, iskuna guuriyo dhahraan iyo Maxamuud, aadbuuna ugu rajo weynaa in Maxamuud hadal ka diideynin.
Dhanka kale sheikh maxamed wuxuu ka soo baxayaa saldhiga boliiska asagoo dhoola cadeynayo kuna faraxsan kaartada uu dagay iyo sida uu gabdhihiisi cadowga uga badbaadsay, lakin waxay talo ku cadaatay ninki Nuur alsabaax ahaa Zubeyda aabaaheed. Isla saacadiibo waxaa la gudo galay sidi Zubeyda loo soo dhufsan lahaa, waxana la raaciyey xaaji nuur ciidan iskugu jiro kuwa deegaanka ah (marya calas) iyo gaashaan buurta shisheeyaha, Zubeydana sidii maxbuus ayaa buulkeedi looga soo ka xaystay, waxayna xaas/adoon waxaad tiraahdabo u noqotay horjoogihii soo duulayaash. Maxamuud waxaa ku dhacday quudaan jirin qoryo u guro, wuxuu subixi la borooranaayay maamo Sundus oo murugo wehel la noqotay. Hadii wax yaalaha looxul maxfuudka ku qoran la ogaan lahaa fiicnaan lahaydaa, soo Zubeyda ma guursan laheen Maxamuud oo kun jeer ku xamdin lahaa, halka ay u gacan gashay waraabo dhaqan dugaag wato.
Allow meel xun kugu rid Rayaaney adaa meeshaan i joojiyey…hadaladaas iyo kuwo kalabo waxaa ku cataabeysay maamo Sundus oo xaaladeeda ahayd bariga dhexe allow yeysan ku dhufan!.
Maxamuud xaaladiisa waxay mareysaa quus, wuxuuna yaqiinsaday in Zubeyda calafkiisa ku jirin. Maxamuud oo dhibaato iyo fikir wajigiisa ka muuqdaan ayaa wuxuu soo gaaray dukaanki Andrew, wuxuuna u sheegay xaal halkuu maraayo, Zubeydana gacantiisa ka baxday cadowgina la tageen. Andrew arintaas ayuu ka faa, iideystay wuxuuna u sheegay bari oo jimco ah in martiqaad uu ku leeyahay guriga. Sidoo kale wuxuu sheegay in uusan walwalin uuna siiyay gabadhiisa dhahraan. Maxamuud balanti wuu aqbalay arinta dhahraana waan ka soo fiirsan ayuu yiri, halkiibaa lagu kala tagay.
Dhanka kale muqaawamadi iska caabinteedi ayey waday, aad ayaana loo xanuujiyey cadowgi shisheeyaha, waxaana laga xorooyey gobolo badan waxay iskugu soo aruureen dhowr gobol oo dhanka xeebta ku yaalo. Maxamuud waxaa la gaaray xiligi balanta, wuxuuna soo abaaray guriga Andrew, waxaa albaabka ku soo dhaweeyey dhahraan oo quruxdeedi ku dartay mid ay sameysay. Habeenkaas waxay ahayd habeen farxada dhahraan aan la soo koobi karin, wax walbana waa la dhameeyay, isla maalmo kadibna waxaa dhacay arooski Maxamuud iyo Zubeyda, guurkiina guur kheyr, gurigiina guri nagi kuwii isku waaree ubad kheyr qaba kala hela allaha idinka dhigo ayaa loogu duceeyay. Maxamuud howlaha iska caabinta ayuu halkiisi ka sii waday maadaama uu ahaa nin 2bo mar la dhacay, mar dhulkiisii la qabsaday iyo mar Zubeyda laga dhacay. Maxamuud wuxuu ka dhaawacmay lugta midig, dhaawac halis ah, ilaa la daaweyn waayay, xalna wuxuu noqday in la gooyo lugta, wuxuuna noqday mid sariirta ku aruuray, wehelkiisa aan ka ag dhaqaaqina waxay ahayd dhahraan oo kaalin wanaagsan ka qaadaneysay xanaaneentiisa. Ciidamadi shisheeye jiif iyo joog waa loo diiday, mid la dilo iyo mid meydkiisa jidadka lagu jiido ayaa laga dhigay, dantana waxay biday in ay guuraan ayakoo duleysan.
Allow soo aruuri Zubeyda waxay raacday ciidamada shisheeye ee guuray. Maxamuud xaaladiisa weyna ka sii dartay ilaa tii rabi u timid uuna geeriyooday allaha u naxariisto qabrigana ha u waasiciyo. Dhahraan waxay dareemeysaa kalinimo iyo wehel la, aan maalin walbana waqtigeeda inta badan waxay ku soo qaadataa qabriga Maxamuud ayadoo weheshato oohin iyo murugo. Zubeyda waxaa loola guuray dhul iyo dad aysan af iyo dhaqan wadaagin, waxay dareemeysay wehel la, aan waxay weysay asxaabteedi ay aadka isku jeclaayeen, waxaa loola dhaqmay sidi qof adoon ah, la hayste waxay haysataa wiil 1sano jir ah, qaabkey rabto ha ku dhashee! Zubeyda dhibki iyo cadaadiski markuu ku batay, waxay fursad u heshay in ay soo dhuumato, una soo hayaanto dhulkeedi hooyo, ayadoo kaligeed ah wiilkeedina ka soo taktay.
Zubeyda marki ay soo guryo noqotay warki ugu naxdinta badnaa ee ay heshayna wuxuu noqday geerida Maxamuud. Zubeyda waxay dadki weydiisay qabriga Maxamuud meesha uu ku yaalo, waana loo tilmaamay, inta aysan gaarin qabrigi Maxamuud ayey meel dheer ka araktay qof dultaagan qabrigi, ilaa ay u soo dhawaato, qofku wuxay aheyd dhahraan. Dhahraan kameysan fileyn Zubeyda meeshaan, waxayna ku ogeyd ayadoo lala guuray. Zubeyda iyo dhahraan si lama filaan ah ayey iskugu soo boodeen waxayna isku salaameen oohin iyo baroor diiq waxayna ku dul ooyayeen qabriga Maxamuud ilaa oohinti ka dhamaatay iskuna badashay xinjiro dhiig ah…waxay ku dul dheceen qabrigi halkibeyna nafta uga baxday allaha u naxariisto maantadaan hadii aad takto magaalada rashiido waxaad ku arkeysaa boor weyn oo ay ku qorantahay Qabru al Shahiidateen mise qabrigii labadii Shahiid!!! Dhamaad
MOHAMED HASSAN BIIKOLE
biikolesom@hotmail.com
@biikolesom













You must log in to post a comment.