Sida uu saxaafada u sheegay safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur America ,waxaa si rasmi ah loogu soo wareejiyay dhulkii rasmiga ahaa ee ay laheyd safaarada Soomaaliya ee dalkaasi.
Safiirka ayaa sheegay in safaarada ay ku dadaaleen sidii loosoo celin lahaa dhulkii ay laheyd,waxaana taasi ay dhalisay in dood iyo qeylo dhaan badan uu galay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Kenya Cali Americo.
Maxamed Americo ayaa sheegay in iminka ay degen yihiin dhismo kiro ah laakiin maadaama dhulkii lagu wareejiyay oo la siiyay waraaqihii lahaanshiyaha dhulka ay dagi doonaan dhismaha safaarada.
Ugu dambeyn safiirka ayaa sheegay in dhismaha safaarada uu ka muuqdo burbur xoogan laakiin sida ugu dhaqsiyaha badan loo dayactiri doono.













You must log in to post a comment.