Abu Mansuur iyo Cali Dheere oo ku sugan Gal-Gadudud (Xog ku saabsan sababta ay u joogaan oo aan helnay)

Saraakiil sare oo ka mid ah madaxada kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia ayaa ku sugan gobolka Gal-gaduud ee bartamaha dalka, warbixino ayaa sidaas sheegay.

Waftigaasi oo ay hogaaminayaan Sheikh Mukhtar Roobow Cali (Abu Mansuur) iyo afhayeenka Shabab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa halkaas u jooga inay lacag ka uruuriyaan islamarkaana dhallinyarada deegaanka kasoo dhaadhiciyaan inay kusoo biiraan una dagaalamaan.

Labadaas hogaamiye ayaa la sheegay inay ka tageen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayna ku sugnaayeen Galgaduud illaa in ku dhow 3 toddobaad iminka.

Waxa ay raadinayaan taageero iyo inay dhiiri geliyaan dadka deegaanka, xilli ay sii luminayaan taageero badan islamarkaana ay guul darrooyin ku wajaheen dagaalo dhowr ah oo ay la galeen ciidanka dowladda iyo xulafadooda Midowga Africa iyo Ahlu Suna.

Abu Mansuur iyo Cali Dheere ayaa loo doortay inay u ambabaxaan safrakan sababtoo ah waa dad cod kar ah oo si fudud dad badan u calool dabcin kara islamarkaana usoo jiidan kara, sida ay sheegeen saraakiil Shabab ah oo aan dooneyn in la magacaabo.

Saraakiil Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale qiray inay ka war hayaan joogitaanka labada nin ee gobolka ayaga oo sii carabaabay inay si gaar ha ugu sugan yihiin Ceel-Buur.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in laga dalbaday inay ku taburacan xoolo, lacag iyo dhallinyaro dagaalanta, waxaana qaar ka mid ah ay sheegeen inay wajahayaan ciqaab adag haddii aysan sidaas fulinin.

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: