Muqdisho (Caasimada.com) - Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Maxamad Cali Gaas ayaa saacadaha Soo aadan waxaa uu ka ambabixi doonaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ilo ku dhow Xafiiska Ra”iisul Wasaare Gaas ayaa Shabakada Caasimada usheegaya in Cabdi Wali Gaas uu goordhow u ambabixi doono Dalka Kenya halkasa oo uu ugu qaybgalayo Kulan ay soo agaasintay Haweenayda Arimaha Dibada Mareykanka ee Hilary Clinton.
DalkaKenyawaxaa jooga Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lasheegayo in lagu amray maalintii Shalay inay kasoo hormaraan Ra”iisul Wasaaraha.
Clintonayaa sheegtay inay doonayso Wahadal ay laqaadato Sedexda masuul oo dhawaan ay ku soo baxday Fadeexad dhanka lunsasho Dhaqaale lakiin waa ay beniyeen Markii wax laga Weydiiyay eedaymahaas.
Sikastaba Kulankaan aya maanta lagu balansayahay inuu dhaco waxaana Kulanka diirada lagu saari doonaa,Xaalada Dalka,Marxalada Cusub ee uu galayo dhawaan,Doorashada Soo aadan,Soo xulida Baarlamanka Cusub iyo Su’aalooyin kale oo gaar ah oo lawaydiin doono Madaxwayne Shariif,Cabdi Wali Gaas iyo Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.