Maxaa ka jira in ergada ansixinta ay ku jiraan shaqaale Dowladda ah.

Muqdisho (Caasimada.com) - Tuhunada laga qabo shirka Ansixintan Dastuurka iyo howshiisa ayaa isasootaraya taas oo ayba udheertahay in Madaxda Dowlaa dad iyaga jifadooda ama shaqaalaha Xafiisyadooda ay kudaraan Ergada Ansixinta Dastuurka.

Cabdi Wali Maxamad Cali Gaas Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa beeniyay Warar maalmahan aad loo Hadal hayay oo ku aadana in Ergada Ansixinta Dastuurka Cusub ay  badan yihiin Shaqaalaha Xafiisyada Dowlada.

Gaas oo Su’aashaas ay Warbaahinta Waydiisay ayaa waxaa uu ku jawaabay waa been oo waan Aqaana Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Waliba meelaha laga kala keenay.

Cabdi Wali Gaas ayaa hadalkiisa ku soo koobay hadii warkaas uu jiro in cadayn laga keeno.

Xili Shirka Ansixinta Dastuurka uu marayo maalintii lexaad ayaa hadana waxaa isasoo taraya Doodaha laga kakeenayo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: