Muqdisho (Caasimada.com) - Sida wararku ay sheegayaan qarax ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa goordhaweyd wuxuu ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo noociisa uu ahaa miinadda nooca dhulka lagu aaso ayaa wuxuu ka dhacay suuqa daryeel ee degmada Heliwaa halkaasi oo goorta qaraxa uu dhacay dadkaasi ay ku howlanaayeen aasida waxyaabaha qarxa.
Inta la xaqiijiyana qaraxa waxaa ku dhintay labadii Ruu ee aasayay Qaraxa.
Gudoomiyaha Degmada Hilwaa Cumar Jacfaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaan uu ahaa miino dhulka lagu aasay islamarkaana ay ku qaraxday labo nin oo ahaa kuwii aasayay qaraxaas.
Marka laga soo tago dadka dhigayay waxyaabaha qarxa oo halkaasi ku geeriyooden ayaan jirin ilaa iminka cid kale oo khasaare kasoo gaartay.
Dhinaca kale Qaraxyo kale ayaa isla maanta kadhacay Isgoyska Ex Control AFgooye lakiin majirin Cid wax ku noqotay.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.