Faah Faahin: Qaraxi xalay Ciidamada Dowladda lagula eegtay Muqdisho.

Muqdisho(Caasimada.com)-Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa Xalay qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho kaas oo dhaawacyo ay ka dhasheen kadib markii bam lagu tuuray Fariisiin Ciidamada ay kula hayeen Isgoyska Dabka ee degmada Howlwadaag.

Inta la Ogyahay waxaa lasheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen labo Askari oo Ciidamada Dowlada ah kuwaas oo kooxo goobta kabaxsaday ay ku tuureen bam fariisin Ciidamada ay kusugnaayeen.

Waqtiga qaraxa uu dhacay ayaa waxaa hakad uu kuyimid isusocodkii dadka iyo gaadiidka waaana dhaawaca Askarta ladhigay Cisbitaal.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa dhibaato ay kahaystaa dad sida qof shacab ulabisan oo toogasho iyo qaraxyo labeegsado kuwaas oo katirsan Ciidamada Al-shabaab ee ku jira goobaha ay dowlada ay gacanta kuhayso.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: