Muqdisho (Caasimada.com) - Qaarkamid ah Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa kadigay in lasii wado haatan iyo waxii kadambeeya Nidaamka 4.5 ka ee looga dhaqmo Soomaaliya waxna ay kukala qaybsadaan.
Yuusuf Aadan Cismaan oo kamid ah ergada ansixinta dastuurka cusub ayaa waxa sheegay in ay xooga saari doonaan sidii meesha looga saari lahaa nidaamka awood qaybsiga Soomaalida ee 4.5 kaasi oo uu ku tilmaamay mid aad xaq ahayn.
Yuusuf Aadan Cismaan waxa uu tilmaamay in dastuurka aysan ku qornayn wax la yiraahdo 4.5, hase yeeshee uu yahay nimaadkaasi mid ay Soomaalid caado ka dhigatay
Dhanka kale Yuusuf Aadan Cismaan oo kamid ah ergada ansixinta dastuurka cusub mar aan wax ka waydiinay waxa uu ka ogyahay qodobada cabashada laga muujiyey ee ku jira dastuurka cusub ayaa waxa uu ku jawaabay in la sixi doono wixii qaldan iminka.
Nimaadka 4.5 ayaa noqday mid ay sii badanayso dhaliilaha loo jeedinaya.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.