Maqaalkan waxaan kubilbaynaa qidsadan gaaban; (Wiilyar baa ku dhex dhumay meel hayjad ah oo aad u geeda badan, wuuna orday wax badan isagoo raadinaya meel uu kaboxo iyo cid wax u sheegta. Waqti ay qoraxdii sii dhacaysana wuxuu arkay nin xoog u socda, wuxuuna ku yiri, adeer jidka ma iisheegi kartaa?
Isna wuxuu yiri xageed u socotaa? Kidkeedse rabtaa inaad qaado? Magaranayo oo waan dhunsanahay, odaygiina wuxuu sii weydiiyay horta xageed u socotaa? Ma aqaano meesha aan joogo!! Odaygiina wuxuu kuyiri, madaama aada aqoonin meesha aad u socoto (hadaf la’aan tahay) meelaha oo dhani waa kuugu isku mide; halkanba iska joog, socodkiisuuna sii watay.
Ilaahayna Qur´anka wuxuu inoogu sheegay inuu qofkasta oo bani aadam ah siiyay hal qalbi, leeyahayna; awood iyo karti kooban, waajibna ay kutahay inuu sifiican uga faa´iidaysto, uga shaqaysiiyo.
Isaga iyo bulshadiisa ayuuna xil adagi kasaaran yahay inay awoodiisa gaarka ah baaraan, cadeeyaan, kobciyaan, hormariyaan si loo gaarsiiyo meel fiican.
Hadafka ama shaqada qofka ee dhabta ahina waa mida uu jecel-yahay, kufikiro, ku riyoodo, ku taamo, ku baashaalo waqtiga firaaqada, waqtigiisa xorta ah.
Qofka hadafka sare lihi waa Qof yaqaana meeshuu rabo inuu safarkiisa kufuro, kunasto ku nagaado: Tusaale ahaan waxaan rabaa, inaan noqdo dhakhtar, mise inaan noqdo ciyaartoy, mise inaan macalin noqdo, mise inaan milkiile/ maalqabeen noqdo…. iwm.
Qofka hadafka sare lihi wuxuu markasta fiiriyaa meel dheer, wuxuuna u socdaa si tartiib ah, siuuna qaylo iyo buuq aan dani ugu jirin isugu kicinin.
Qofka aan hadafka lahayninamarba dhinac buu u boodaa, u ordaa, madaama uusan lahay meel sax ah oo uu beegsanayo, wuxuuna ku baashalaa marba meeshii ceshata.
Mana kala jecla inuu hor usocdo iyoinuu dib ulaabto, madaama uu awalba qorsha la’aan/ ujeedo la´aan iska socday.
Waana cudurka dhabta ah ee haya umada somaliyeed badankeeda, marba meel cusub usii qax, iska dhiib, iska fiiri waxa kasoo baxana arag, iskuday siday noqotana arag!!
Qofka bani adamka ah Rabbi (swt) wuxuu u sameeyay cimri kooban, wuxuuna faray inuu layimaado dadaal iyo camal wanaagsan oo fara badan. Markuu layimaadana Rabbi (swt)wuxuu ubalan qaaday Abaal iyo Ajir kaqiima badan camalkiisii, miraheedana uu goosanayo Aduun iyo Aakhiro labadaba.
Cimriga qofku wuu dhamaadaa, lakin camalkiisa fiicani waa haraa, waana loo aayaa, laga faa´iidaystaa isagoo qabriga kujira, isagana waxaa u soconaya ajarkii camalkii wanaagsanaa ee uu umada uga tagay. Camalka wanaagsan ee larabao inuu miro qiimo leh bixiyana waxaa lama huraan ah inuu noqdo hadaf sare, ujeedo qiima gal ah, oo mudan in lagu daalo, laga fikiro, lagaliyo dadaal, waqti iyo maal intaba.
Dadka oo dhani aduunyada safar bay kuyihiin, in aad uyar baana taqaana meesha ay ku socoto iyo calaamada ay bidhaan-sanayso. Inta badanina Daadka ama dabaysha ayay iska raacaan, meel gaar ah oo ay usocdaana mayaqaanan, wax qorsha ahna kuma socdaan. Waxaana lahubaa qofkii safra isagoo aan aqoonin meesha uu usocdo, inuu daalayo haraadayo, meel fiicana uusan gaaraynin.
Nolosha qofka bani adamka ahi waxay lamid tahay doon kor sabaynaysa Bad aad u daafa balaaran. Doontu siay u badbaadana waa inuu darawalkeedu aqoon dhab ah u leeyahay Bada dhexmarkeeda, mawjadaheeda kala duduwan, xiliyada ay kacaan iyo xiliyada ay degan yihiin. Waana inuu si dhab ah u yaqaano meesha uu rabo inuu safarkiisa kufuro, jidka ugu gaaban uguna dhibyar ee uu mari lahaa si uu nabad ugu tago isaga iyo dadk doonta lasaaranba.
Doonta haduu wado ama iska dhaqaajiyo Qof aan Aqoonin meesha loo socdo iyo jidka saxda ah ee lamari lahaa, waxaa dhab ah inaan lamaha-dinaynin meesha ay tagi doonto, qof isagoo og arintaa raaci lahaana maba-jiro. Nolosheenu waxay lamid tahay doontaa socota, ee rabta inay gaarto guul, wanaag, khayr iyo horumar, intaasoo dhana waxaa lagu gaaraa; hadaf cad oo lajeexdo, jid sax ah oo laqaado, aqoon fiican oo loo yeesho meesha larabo in lagaaro.
Qofka hadafka lihi waa qof leh ujeedo cad, oo uu bidhaansanayo, habeen kasta iyo saacad kastana kafikiraya siduu ugaari lahaa, yaqaanana jidkuu umari lahaa.
Aadna ugu dadaala siduu hadafkiisa ugaari lahaa; kuseexda kusoo kaca jacaylka kafikirka iyo kamira dhalinta hadafkiisii!!! Waxaana wada ognahay inuu Rabbi (swt) u balan qaaday kuwa fikira, ee ku dadaala qorsha dejinta saxda ah inay heli doonaan; natiijo sare, oo ay ku farxaan, kunastaan, kunaa-loodaan, u´aayaan, kuna raaxaystaan miraheeda aduun iyo aakhiro labadaba.
Baaritaan baa lagu sameeyay arday kujirta sanadkii Jamicada u danbeeyay, siloo ogaado inta leh hadaf cad oo qeexan, waxayna noqdeen 3%, 20sano kadib ayaana ladaba galay ardaydii oo dhan, waxaana soo baxday in 3dii qoshaha saxda ah lahaa gareen 97% ujeedooyinkii u qorshays-naa, intii kalana xaalkoodu uu mugdi iyo wareer kujiro madaama ayna lahayn hadaf ama ujeedo ucad oy beegsanayeen.
W/Q: Dr. Axmad Cabdulahi – Editor of society, health and education policy for Keydmedia Axmed.abdulahi@Keydmedia.net
Use Facebook to Comment on this Post













You must log in to post a comment.