Sida laga dheehan kara su’aasha caynkan ahi ma ahan mid badanaa ka timaadda dadka maankoodu taamka yahay, ama leh iimaanka dhabta ah ee rumeysan towxiidka Alle iyo Islaannimada, balse waa su’aal in badan mulxidiinta Nasaarada ay umadda Islaamka ku fasahaadiyaan dhankoodana ay mar weliba naga soo gasha.
Inta badan waxayaabaha ay weydiiyaan Masiixiyiinta faafiya diinta masiixiyadda marka ay tegaan waddamada Islaamka ama ay fasaahidinayaan umadda caamada ee Islaamka ah ayaa waxaa kamid ah su’aasha caynkaan ah
Muxammad (NNKH) haddii uu Nebi yahay muxuu u guursaday gabar ka yar (Caa’isha)?
Sida la isu weydiiyey uma adka labadan su’aal iyo wixii la halmaala ee shubbahaatka ah, balse dadka caamada ah ee aanan haba yaraatee fikirin ama wax is weydiinin ayay ku adkaanaysaa, kadibna shaki iyo laab ciriiryoon la boodaakaca oo dacaayaddaasi ay saamayn weyn maskaxdoodu ku yeelataa, roonaanse lahaydaa inay diinta masiixiyadda ama Baybalkuba wax ka yaqaannaan, waayo xaqiiqda dhabta ah iyo inuu xaq yahay guurka Caa’isha bay ku garaabi lahaayeen.
Ka warramada haddii Baybalku qeybta cahdiga hore (Old Testment) uu tilmaamaya in Nebiyullaahi Isxaaq uu jirey markuu guursanayay Refqah ina Bethubeel 40 sanadood, iyana ay jirtay 3 sano oo quran?
Baybalku wuxuu sheegayaa inay dhalatay Refqah markay dhimanaysay Saarah oo ahayd hooyada dhashay Isxaaq, Saarana waxay ku dhimatay da’da 127 jir, (eeg Genises/ Billawgii 23: 1d.
Markay Isxaaq dhalaysayna Saarah waxay jirtay 90 sanadood, sidaa darteed markay dhimanaysay wiilkeeda wuxuu jirey 37 sanadood. Taa haddaynu ka wareegno Maryama Calayhssalaam wuxuu Baybalku qabaa inay jirtay markay dhalaysay Ciise 11 sano. Waxaa markaa is weydiin mudan Maryama haddii ay kudhashay da’da 11, immisa jir oo kale ayaa lagu guursaday baala is oran lahaa haweeneyda da’daas oo kale ku dhasha? Dabcan 9 ama 8 ama 10 jir. Maxaa diidaya markaa Caa’isha in lagu guursada da’da 9 jirka?
Intaa haddaynu ka gudubno, guurka gabadha yaraanta lagu guursada ma wax caalamka ku cusub baa? Mise yahay wax qaaradda Yurub iyo galbeedka ay dhakafaar immika ka qaadaan oo aanay horey u aqoon? Miyaydaan ogayn in qarnigii dhawaa ee 18d hablaha boqorrada ay ku guursan jireen 8, 9, 10, 12, iwm iyadoonan weliba la gaarin 14 qarni kahor. Maxay tahay waxa aan ula yaabna wixii dhacay 14 qarni kahor, oo aynaan ula yaabahayn waxa dhacay labo qarni kahor? Mise hablaha labo qarni jirey kahor baa ka joog iyo jamaal dheer hablihii jirey 14 qarni kahor? Maya maya, umadba umadday ka horreysa ayay ka joog iyo jamaal dheertahay. Matalan waxaa dhici karta ayeydaa in lagu guursaday 13 jir, hooyadaana 18 jir, walaashaana 24 jir, adiguna laga yaaba in aad guursata gabadh 30 jir ah.
Waxaan jecelahay inaan iftiimiya 2 qarni kahor siday boqorrada reer galbeedka gabdhaha u guursan jireen.
Waqti kastaahiba guurka jawigiisa ayuu la jaanqaadaa, sidaa daraaddeed Willam of Tyre oo kamid ahaa madaxdii Roomaanka ee Qustantiine ayaa wuxuu gabadh yar ku guursaday da’da 8 jir, taasoo la oran jirey Iniyas (Agnes). Boqorkii Jeruselam ee Baldwin-kii saddexaad isaguna wuxuu guursaday gabadha la yiraahda Manuel oo xilligaasi ahayd 13 jir. Margret Maria oo ahayd gabadh 9 jir, una dhalatay dalka Majar (Hungary) ayaa waxaa guursaday boqorkii la oran jirey Isac (Isak) Angeles, Boqorkii Besanta ee la oran jirey Theotra markuu guursanayay xaaskiisa Marita reoll waxay jirtey 13 sano.
Waxaa cad xagga culuumta casriga iyo xagga diinta Islaamkuba in gabadhu hadday qaan gaarta ay diyaar u tahay inay qaadda uur, waxaanna ogsoonnahay illaa iyo immika inay jiraan habla ku qaangaara da’da 8 iyo 9. Hablihii jirey labo qarni kahor marka ay jiraan da’da 9 jirka, way ka bidhaan iyo joog dheeraayeen hablaha 9 jirka ah ee qarnigan jooga. Sidaa oo kale kuwii 14 qarni kahor jireyna iyana aad bay uga joog iyo bidhaan dheerayeen kuwa maanta jooga.
Si aan su’aashan shubbahada ahi u gablaminna, waa inaan is weydiinnaa Yuhuuddu iyagu sidey wax ku guursan jirtey?
1. Gaaladii Qureesheed, Yahuuddii Madiina, iyo Munaafiqiintii iyo kuwii adiga kaa necbaa Nebiga wax waliba oo ay Nebi Muxammed (NNKH) ku dacaayadeyn karayeen way faleen, waxay yiraahdeen waa beenaale, waa faalloow, waa gabyaa, waa saaxir, waa waalanyahay iwm. Laakiin ma aanay oran gabar ka yar buu guursaday? Xataa tobankii qarni ee ugu horreeyay cidna ma ku dacaayadeyn arrinkaas oo ma oran gabar kayar oo ilma ah buu guursaday. Halkaas waxaad ka garan kartaa in arrinkaasu ahaa wax caada ah oo dhici jirey, dadkii waqtigaasina ay isku guursan lahaayeen. Ma mooddaa in haddii arrintaasi ceeb ahaan lahayd Muxammed (NNKH) loo aamusi lahayn ee lagu dacaayadeyn lahaa?Maxaa keenay inaad adiga arrinkaasi ku dacaayadaysa Nebiga (NNKH) ama ay tashwiish kugu furta maanta?2. Haddii Nebi Muxammed (NNKH) aad leedahay wuxuu ku dhacay fal dembi ah oo gabar kayar buu guursaday, jaalle waalooga horreeyay Caa’isha soo doonisteeda oo intaanu Nebiga (NNKH) guursan kahor waxay udoonanayd nin la oran jirey Jubayr bin Mudcim. Taasoo markale kuu caddeyneysaa in arrintu ahayd wax dhici jirey oo hablaha lagu guursan jirey da’ yar.3. Guurkii Caa’isha ee Nebi Muxammed (NNKH) wuxuu adkeeyay xiriirkii Abii Bakar oo meel wanaagsan Islaamka u taagnaa iyo Nebiga (NNKH), xikmaddaas ayaana kujirtay in Nebigu (NNKH) uu guursada.
4. Guurka Caa’isha ee Nebiga (NNKH), wuxuu ahaa amar Rabbaani ah, sida axaadiis saxiix ah ay tilmaamayaan, Jabriil maa muuqaalka Caa’isha Nebiga (NNKH) dhowr habeen riya ugu keenay asagoo oranaya waa afadaadii adduunka iyo aakhirada, markaas kadib ayuuna doonay Nebiga (NNKH). Xikmadda arrinkaasi kujirtayna waxay ahayd Caa’isha gabadh maskax fiican bay ahayd, cilmiga iyo axaadiistana iyada ayaa inta badan inasoo gaarsiisay, waxayna kujirtaa shanta qof ee saxaabada Nebiga (NNKH) ugu soo axaadiis werin badan. Dhanka kale waxay umadda Islaamka bartay habladhaqanka sowjka iyo sowjada iyo qaabka qoyska u wada noolaada, iyadoo casharra badan umadda Islaamka ka siisay dhaqankii suubbanaa ee Nebiga (NNKH). Waxay soo werisay in kabadan 2 kun oo axaadiis, oo u fiqi iyo axkaam ah, iyadoo ay jiraan boqollaal xadiis oo kaligeed laga soo weriyey oo saxaabi la wadaaga uuna jirin. Cilmiga ay Caa’isha keentay iyo axaadiista ay naga soo gaarsiisay xagga Nebiga (NNKH) haddii uuna guursan lahayd mana soo gaari lahayn, waayo xaasaskii Nebiga marka laga reebo Caa’isha tan ugu badan ma aanay soo werinin wax dhan 10 xadiis. Xikmaddaasi Rabbaaniga ayaana kujirtay amarkii Eebbe ee Nebigu uu ku guursaday Caa’isha.
5. Waxaa dhici karta in Mulxidiintu qaarkood ay yiraahdaan waala qasbay Caa’isha, waxaad tiraahdaa Caa’isha sida ay Nebi Muxammed (NNKH) ujecleyd cidna uma aanay jecleyn. Ayada ayaa ina bartay habka ugu wanaagsan ee sowjka iyo sowjada ay u jili karaan maxabbada iyo kalgacalka. Ayada ayaa umadda Islaamka casharra badan ka siiyay hab dhisna qoyska iyo nolasha wanaagsan ee reerka. Wixii ugu dambeeyay ee Nebiga (NNKH) intaanu dhiman afkiisa galay waxay ahayd raxiiqdii (candhuuftii) Caa’isha, waayo waxay u calaajisey caday oo inta ujilcisay udhiibtay si uu ugu cadayda, wayna ku faani jirtay arrinkaas.
Haddii arrinta guurka Caa’isha ay ahaan lahayd wax ceeb ah ama dhegaha u daran amaba aanan dhicin, jaalle boqorkii Room ee Hiraqal, iyo boqorkii Faaris ee Kisraa, iyo Abuu Jahal, iyo Abuu Lahab, iyo Cabdillaahi ibnu Salool (munaafaqii weynaa), Lubayd ibnu Acsam (Yahuudigii Nebiga sixray) iyo cadawgii Nebiga oo dhan ayaa ku dacaayadeyn lahaa. Laakiin waan ka xumahay, macal asaf arrinku wuxuu ahaa wax iska caadi ah, balse adiga su’aashaasi ay saamaynta kugu reebtay diintaadiina shakiga kaa gelisay ayaa caqligaga lagaaga dhacay wax iska caadi ah. Si su’aashaas aad xal ugu hesho intaadan qoraalkaan dhan aqrinin, waxaa habboonaan lahayd inaad soo hubiso ayeeydaa inta sanee lagu guursaday.. Hubaashii waxay u dhawaan lahayd in lagu guursaday qayaasteyda da’da 13 jir ama kudhaw.
Allaahuma Salli wassalim Calaa cabdik wanabiyk Muxammed, wacalaa aalihi wassaxbih Ajmaciin.
_____________________________________________
WQ: Mohammed Dahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
_____________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com, lama daabacan kara idan la’aan
Use Facebook to Comment on this Post













12/08/2012 at 4:51 AM
jizakalah qayr walalken ilahay ajar iyo xasanad hakasiyo caasimada iyo qorayashedana ajar badan hakasiyo wa arin wanagsano aad iyo aad ino anfacay runti mararbadanban maqla jahilinta an diinta lahayno nebigena muxammed csw afkoda kutagayo okahadlayo arintan now i know waxan ogu jawaabo ilahay hanagu dilo diintena maacane islaamka ilahayna hano denbi dhafo dhamanten iyo waaridkenba jzklh
11/21/2012 at 9:45 AM
Khayr Allaah ha kaa siiyo sida faahfaahsan ee aad shubahaas uga jawaabtay una caddaysay, si caamada iyo caqli-gaabkuba aanay ugu kadsoomin,qofkii aan horey u aqooninna uu hadda wixii ka dambeeya uu jawaab aamusiisa u siiyo mulxidiinta hadday ula yimaaddaan shubaha noocaas ah.
10/25/2012 at 4:08 AM
walaal wax aan ku iraahdo ma garanaayo runtii waa arin weyn ee qof kastoo muslin ah ku waajib ah in uu barto siduu u difaaci lahaa nabigeenii suubanaa n.g.n.k ha ahaatee adigana ilaahey ha kaa jiseeyo maalinta qiyaame meeshaada ka sii wad oo haka caajisin kheyrka una faaiidee walaalahaa wa bilaahi towfiiq
10/17/2012 at 8:51 PM
asc marka hore ilaahay ayaa mahad iskaleh marka xiga waxa aan u mahadnaqayaa walalkay maxamed dahir iyo bahda webka caasimada ilaahay walalkeen ha ka abaal mariyo khayrka uu sameeyey maqalkanina waa mid loo baahnaa wayna fiicantahay in bulshadeena loo sheego meelaha laga soo gali karo ee jahliga ay kaga suganyihiin.
10/11/2012 at 2:20 AM
Asc walalken mahamed qer ale hakusiyo mid adun iyo mid akhiro iyo inta fikerka wangsan kabixesay masha alah walhi xaqiiqdi siyada wen ba nukuso gordhesay walal qasatan ani ahan aad iyo aad ayn maclunbadan ugu sijadisay waxn ku oran lahay macalin jisaka lah mida xigto hanunta eebe aye usug natay inti dhunsan ale hidayada wangsan hatuso maxa yelay habiibkena subanahay qofkii was was kagalay ah nah somali wa cajaib alow towfiqda wa faji aaamin inti falada wangsan an u rijaqay kabixesy ale amurahoda u sahal adun iyo aqiro iyo intii nbikena difacdy xasanat lasogobikarin alow sii wsb by guuled orloojo
10/10/2012 at 10:44 PM
maashaa alaah tabaaraka.yaaleet lowfii cashara zeyak katara qeerak cilmigaan aad baratayna subxaana watacaalaa hakaa ajrsiiyo aad baad iiqiiro galasay sida xigmada leh aad udifaacday rasuulkeena calayhi salaatu wasalaam
waxaan ale kaaga baryaayaa inuu kaadifaaco kuli makruuh aaaaaaamiiiiin
10/10/2012 at 6:55 PM
walaal allaha ku dhowro meel wanaagsan baa marisay wad nooo faaiidaysay waxaadna mudantahay ku dhayasho waxaad difaacday rasuulka oo aad aflagadada lo geysanayo ka radisay waxaad difaacday qulubteena ilaaahey hanagu kulmiyo janada dad badan ayaa saxaafada u isticmaalo siyaabo aan haboneyn ayaga kuwa kugu daysado allaha ka dhigo
10/10/2012 at 6:45 PM
Walaal ilaahay ajar hakaa siiyo waxaan intaa kudari lahaa waa aduun akhiru zaman,taas ayaa keenaysa bini-aadamku in uu ku dhaqaaqo wax yaabo awal aan hore loo arki jirin sida cayda ambiyada,dhiig daadinta,iyo mida hada uguba yaabka badan ee khaniisnimada loo doodaayo reer galbeed wax kasta waa laga aqblay laakiin markaan waxaa moodaa in sheekadooda ay soo cusbo beelayso,muslimiintana waxaan u sheegayaa in ay isdajiyaan oo dadkana ay kula doodaan si tartiib iyo cilmi ah diintoodana bartaan.Waxaan ognahay Xabiibka S.A.W in uusan samayn jirin wax ilaa wax uu ilaahay raali ka yahay maahane.qofkii xasuusta safiina salaadka ayaa nalagu soo baray in qaangaarnimadu ay ku timaado labo sifo mida kowaad waa xaydka,ama manida mida kalena da,da 15 sano qofku haduu gaaro in uu masuulyahay iyagana waxay naga dhaadhicinayaan 18 ayaa lagu qaan gaaraa, ila qosol naag haysata 8deed ciyaala ayaa hada qaangaadhay mayeelaysaa? taas ayaa ku tusaysa inta ay le,egtahay garashada bini,aadanka iyo ilaahay xikmadiisa.
10/10/2012 at 5:42 PM
Caasimadda.com iyo maxamed Daahir cabdiba waxaan leeyahay Alle ha idinka Ajar siiyo mowduuc aad loogu baahnaa baad naga baahi tirteen, Adinkana jannada Alle ha idinka baahi tiro , intaa ka dib maadaama aad aqoon xeeldheer u leedahay Diinta islaamka waxaan kaa codsanayaa maxamadow, amaba ciddii kale ee codsigeyga aragta ee iga kaafin karta in ay ii soo diraan, amaba soo galiyaan caasimadda.com, Taariikh nololeedkii labada Asxaabi ee kala ah: Cali bin Abii Dhaalib iyo Khaalid Binu waliid, waxaan qoraa taariikh nololeedka asxaabta Rasuulka oo Af soomaali ku qoran, markii aan u maleeyo in aan dhamaystiray wixii aqoontayda ah, ayaan soo bandhigi doonaa insha allaah, Emailkaygu waa: xisaabtama@hotmail.com
Jazzaakumullaahu khayral Jazaa
10/10/2012 at 5:15 PM
Asc wrwb ALLAHUAKBAR ALLAHUAKBAR ALLAHUAKBAR ,
katharaLAAHU amthaalak wa afsaxa LAAHU lisnak , sida udifaacday xabiibana wa qaaidana wa mucalumunaa wa khudwatunaa , RASUULULAAHI SALLAHU CALAYHI WASALAM ,RABBI ajar haka siyo walal amiiiiin
10/10/2012 at 12:29 PM
waan idiin salaamayaa dhamaantiina wariyasha wabseedkan salaan kadiba aad ayaad ugu mahadsantihiin sida aad ugu soo fahfaahiseen dadka aan sidaa uu fahansanen amaba uu ogeen ilaahey ajar ha iidiin ka siiyo
10/10/2012 at 12:09 PM
asc walalka muslim ah oo soo diyarshay qormadaan marka hore illlah ajar iyo xasanad aan lasoo koobi karin hakaa siiyo sida wacan ee aad noogu sharaxday jawaab uhelida su ashay waxana rajaynayaa in illaah sida aan dooga kaafisay si kabalaran kuu kaafi doono amuurahaag mahad naq kadib ninka waxaas ka shegay nabiga ee somaliga illah hasoo hanuunsho umada islaam gar ahaan walalahyga somaliyed waxan uga digaya in iska ilalshaa waxyabaha qaar ee dabanida gaalada oo ah inay dadka ku furen shbaha marka waxan leyahay wax walbi ka shakiso diinka islamka karadi ama weydii culimada ayagaakaa hilbixin doona bi idni laahi.
10/10/2012 at 10:40 AM
walaahi waa jawaab iyo hadal xikmad badan, wana sual hadi dad badan laweydiiya ay jawaab i helenin, thankks caasimada.com iyo ninka qoraalkan sxb ty ilaahay ajar hanniiga siya
10/10/2012 at 10:22 AM
anigaba wan arkay kuwa noocaas caqliga looga xaday lakinn dhaldhalaalka aduunka ayey run moodeen mida kale maxaa gabar gaala ag la guursadaaa iyogoo yaryar ayeyba fasahaadeene gabdhii wey oradaysaa hooyadeed wey ordaysaa aabeheed sidoo kale
10/10/2012 at 8:35 AM
Khayr Alle ha siiyo qoraaga. Wuu noo faa’iideeyey. Meesha qoraagu yidhi “Caa’isha gabadh maskax fudud bay ahayd” waxaan u gartay inuu ka wado “Caa’isha gabadh maskax badan bay ahayd” waayo maskax fudaydka dad badan baa u yaqaana qof wax ka si yihiin. Haddaan usoo noqdo dhinaca kale soomaalidu maxay iskaga daalinaysaa hadal tirada gaalada isku dhaqanba ma nihine. Qofka waxaa ku filan haddii uu wax oo kale kuula yimaaddo “war isku dhaqanba ma nihine ina kala daa, waxaa aad ka hadlaysaa waa dhaqankaaga oo aad wax ku dhisaysaa, waxan aad igu haysataana waa dhaqankayga; adeer markaas isku mad-habba ma nihine dhaqankaaga ku ekow hadduu kula quman yahay”. Waxaan uga jeedaa Soomaalidu da’ xaddidan oo habluha lagu guursado inta badan ma jirto. Iyadoo yar baa la guursadaa iyadoo weyna waa la guursadaa. Wiilashuna waa sidaas oo kale oo waxaad maqlaysaa nin ku leh markii la iiguuriyey maan baaluqinba waxayna inta badan dhacdaa guurka dumaasha ee dantu keento. Haddaba nimankan gaalaad ee hablihii bililiqada kaga dhergay ee aan guurkaba u baahnayn waxaa ku filan “adigu horta anshax guurkaba ma taqaanida markaad heerkayga soo gaadho ha inoo ahaato; ileen isku dhaqanba ma nihine”
10/10/2012 at 7:40 AM
MAASHAA ALLAAH, TABAARAKALAAAH
mohamed walaal, ilaahay miisaanka xasanaadka hakuugu daro, wax badan baad ifiitimisay
10/10/2012 at 12:56 PM
asc maasha allah wlk jzklaah indhahayga ooyin ku soo istaagtay qalbigaa noo nuurisay ilaah qalbiga ha kuu nuuriyo
10/10/2012 at 5:18 PM
Asc wrwb afsaxaLAAHU lisaanak wa katharaLAAHU amthaalak , sida udifaacday XABIIBUNA WA KHAAIDUNAA WA KHUDWATUNAA ARASUULU SALALAAHU CALAYHI WA SALAM RABBI ajir ha ka siiyo walal amin