Mucjiso ka dhacday dusha sare ee Masjidka Nabiga NNKH + Video.

Mucjisadan layaabka leh waxay ka dhacday magaallada barakaysan ee Madiinah Al Munawarah, gaar ahaan dusha sare ee Masjidka Nebiga (NNKH). Maalintii toddobaad ee bisha Ramadaan ee sanadkan 1433h/2012M, goor la addimay salaadda Maqrib oo la aqimi raba ayaa daruur cajiib ah ay isku soo beegtay Masjidka dushiisa, mise isu qaabeysay sida magaca Nebiga oo Carabi ahaan ah   ”محمد ”.

Nebi Muxammad (NNKH), ayaa ah Nebigii ugu dambeeyey Nebiyada Alle (NDH), isagoo lasiiyey mucjiso aanan mid lamid ah la siinin Nebiyadii isaga ka horreysay (NNNKH). Nebi Muxammad (NNKH), wuxuu kasoo jeedaa Carab, wuxuuna ku abtirsadaa Nebi Ismaaciil ina Ibraahiim, taasoo sabab u noqotay inay dafiraan Yahuudda iyo Nasaaraduba iyagoo badankoodu og inuu yahay Nebi dhab ah, oo laga soo diray xag Alle. Qaarkood baa qafla iyo jaah wareer kaga sugan xaqnimada Nebi Muxammad (NNKH), Alle-se Quraanka ayuu marqaati usoo qaatay si uu meelo badan uga tuso inuu Muxammad (NNKH) Nebi Mursal ah oo xaggiisa laga sii direy.

Waxay kuwii mucaaraday Muxammad (NNKH) ka caajiseen inay keenaan Qur’aan lamid ah kan Muxammad uu layimid, kol ay suuradba ku tahay, saa Ilaahayna intaasi kuma ekaane aayadihiisa kowniga ah iyo mucjisaadkiisa ayuu isticmaalay si uu meelo fog fog uga tuso inuu Muxammad yahay mid xaq ah oo xagga Rabbi laga soo direy.

Alle kor ahaaye wuxuu leeyahay

”Waxaan tusin doonaa iyaga calaamooyinkayaga kamuuqda koonka iyo nafahoodaba jeer ay noqota wax cad inuu yahay (Muxammad iyo Qur’ aanku) xaq. Ma waanu ku filleyn Rabbigaa inuu wax waluba ka yahay marqaati”? Suuradda 41. Fusilat- aayah 53.

Bal aqriste eeg mucjisadan Rabbaaniga ah ee dhacday toddobadii bisha Ramadan ee sanadkan 1433h/2012m.

Daawo Video-ga

kubad logo4
Subscribe to Comments RSS Feed in this post

7 Responses

  1. subxanalah walal iilaahay ajar ha idin ka siiya, qaasatan qoraha iyo ninka soo diyaariyey maqalkan iyo fidiyogan, waa mucjsio rabani oo kutuseysa islamka inuu yahay diin xaq ah, nebi muxamadna yahay nebiga ugu sharafta badan khalqiga alle.

  2. SUBXAANALAAH, SUBXAANALAAH, ILAAHOOW ADIGAA MAHADA LEH NAGA DHIGAY MUSLIMIIN, ALXAMDU LILLAAH ALXAMDU LILLAAH

  3. subhaanallaah waa mucjiso rabaani ah
    taasoo ku tusineyso in rasuulkeena csw uu ahaa kheyru khalkhillaah
    islaamkuna yahay xakh allaha nugu sugo islaanimo

  4. scww ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR LAA ILAAHA ILALAAHU MUXAMADA RASUULU LAAHI ALAW DIINTAADA NAGU SUG AAMIIN

  5. mashaalah waa arin lagu sugaya iimaanka muslimiinta, oo lagu tusaya in diintan xaaq tahay

  6. SUBHANALLAH, ALLAH DO WHAT EVER HE WANT AND THIS WHAT HE MAKES US TO BE PROUD IN OUR ISLAM RELIGION MAY ALLAH PROTECT OUR DEAR RELIGION AND I LOVE EVER MY BELOVED MOHAMED(PEACE BE UPON HIM).

  7. suubxanalaah aloow noo gar gaar, wlh waa mucjisoo cajiib aah

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: