Muqdisho (Caasimada.com) - Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa xalay waxaa dil toogasho ah loogu geystay mid kamid ahaa ergadii ansixisay dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed, waxaana la sheegay in kooxo hubaysani ay xalay fiidkii ku dileen degmada Kaaraan xilli uu ku sugnaa Degmadaasi.
Kooxaha dilka geystay ayaa ku hubaysnaa bastoolado kuwaasi oo markii ay geesteen falka dilka ah kadib goobta ka baxsaday.
Marxuum Cali waxa uu ahaa nin caan ka ah degmada Kaaraan, waxaana uu xubin ka ahaa ergadii dhowaan Muqdisho ku ansixisay dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Lama oga cida dilkaan geystay sidoo kalena ma jirto ciidamada maamulka degmada kaaraan howlgal ay sameeyeen kaasi oo ay kusoo qab qabteen dadkii ka dambeeyay dilkaasi.
Al-Shabaab ayaa horay hanjabaad ugu jeediyay dhamaan ergada ansixisay Dastuurka cusub inay dilayaan ama faraha ay kala baxaan Dastuurka.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.