Somalia iyo Yaab hor leh: Meydka Dhaqtar qoorta laga jaray oo la arkay

Sida dadka deegaanka ay sheegayaan waxaa saaka degmada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan lagu arkay meydka ruux qoorta ka jaran,kaasi oo aan la ogeyn dadka ka dambeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in ruuxa qoorta ka jaran aan la ogeyn ujeedada ka dambeysay,waxaana dadka deegaanka ay u sheegeen Caasimada Online in gaari marka hore lagala dagay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa amaanka dartiis uqariyay ayaa sheegay in ruuxa qoorta laga jaray uu ahaa dhaqtar deegaanka si weyn looga yaqaan wuxuuna magaciisa ku koobay Xuseen.

Ma jiro cid sheegatay inaya falkaasi geysatay,waxaana dadka deegaanka soo foodsaartay cabsi xoogan.

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: