Maxaa sababa Hurdo la’aanta?

Dhibaatooyinka hurdada waxa ka mid ah inay seexashadu dhib kugu ahaato, soo-jeedka oo kugu adag ama hurdo la’aanta.

Hurdo la’aanta

Hurdo la’aanta (insomnia) waxa ku jira dhibaato kasta oo ah seexasha la’aan, hurdada oo aan lagu raagi karin ama goor aad u horeysa oo la tooso subixii. Qodobada sababi kara hurdo la’aanta waxa ka mid ah:

• Cudur
• Dareen murugo ah
• Walaac/Isqu buuq
• Kafeyn
• Khamri ama maandooriyeyaal
• Dawooyinka qaarkood
• Sigaar-cabis badan
• Caadooyin hurdo oo xun sida:
- Maalintii oo si gaaban loo seexdo
- Seexashada meel uu ku badan yahay iftiin ama qaylo
- Goor hore oo la seexdo
- Wakhti badan oo lagu soo jeedo sariirta

Haddii ay suurogal tahay isbeddel ku samee qodobada laga yaabo inay kuu keenayaan hurdo la’aanta. Kala hadal dhakhtarkaaga haddii seexashadu dhib kugu tahay wax ka badan 3 habeen todobaadkii gudaha hal bil.

Sameyso wakhti hurdo oo joogto ah.

 

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: