Laba mataano oo Soomaali ah oo degan bariga magaalada London, ayaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah, kadib markii ay qirteen inay lacag u ururiyeen kooxo xag jir ah.
Maxamed Shabir Cali iyo Maxamed Shafiq Cali oo 25 jiro ah, ayaa ka hor qirtay maxkamadda Old Bailey inay ogaayeen in lacag ay ururiyeen loo adeegsanayay argagixisanimo, si gaar ahna ay ugu socotay kooxda Shabab ee dalka Somalia.
Labadaas walaal ayaa lacagta ururiyay inti u dhaxeysa August 2008 iyo June 2011.
Waxaa lagu xiray gurigooda oo ku yaala Stepney, oo ah bariga London bishii June ee sanadii 2011, iyaga oo heysta buug uu qoray Anwar Al-Awlaki oo halku dhigiisu ahaa “44 hab oo lagu taageero Jihaadka”.
Awlaki ayaa ku geeriyooday weerar diyaaradaha aan cidi wadin ee Mareykanka ay ka fuliyeen dalka Yemen, sanadii tagtay.
Waxaa la sheegay in ay doonayeen in lacagta ay u diraan walaalkood Maxamed Shamin oo Somalia u tagay sanadii 2008 inuu ku shahiido, islamarkaana aan illaa iyo hadda dib usoo laaban.
Use Facebook to Comment on this Post













You must log in to post a comment.