MASAAJID MASAAJIDO DHALAY !!!!!!!

Waa Barnaamij Sil-silad ah oo aynu uga hadli doono Goobaha  ay ku cibaadaysato Somaalida  iyo dhibka ku dhacay, ee   ku kala yaalo Daafaha Caalamka,& Dalka Gudihiisa, oo aynu Marba  Wadan     ku soo qaadan doono, haduu Rabbi idmo,  waxaan ku hormarin doonaa Bar-naa-mijkeena  Wadanka Canada Magaalada Toronto.

Masaajid Masaajidyo dhalay

 Qaybta koowaad

Masaajid Masaajido Dhalay

aayad salaad

No partner has He. And this I have been commanded and I am the first [among you] of the Muslims.”

Waxaad Dhahdaa Salaaddayda,Waxaan Gowrici,Noloshayda iyo Geeridayduba  Eebaa iska leh  Eebaha Caalamka ah.

Ayadani  waxay inagu baraarujinaysaa wax walboo aad samay naysid oo wanaag ah in Alla Dardiisa ama u dhawaasho Alle ay kaa tahay.

Wadanka Canada waxaa uu ka mid yahay meelaha ugu badan oo ay Soomalidu Usoo qaxday Alla Sub-xaanahu watacaalaa uu ku xafiday dejiyayna,  oo ay iyaga iyo caruurtooduba ay ku noolyihiin, oo ay ku haystaan ,nolol wanaagsan ,ilaahay sub-xaanahu watacaalaa in loo shukriyo  maadaama dhibkii wadankeena ka dhacay uu ka soo bad-baadiyay, uuna keenay wadan ay ku cibaadaysan karaan, maxay sameeyeen, oo aayadaani ALLA dartiis wanaagooda ma usameeyeen,mise tii Tolka ayaa ka way naatay.bal aqristow inyar baan kaa tusinayaa in badana way qarsooyihiin oo lagama hadli karo  oo maba uqaadanaysid ma Somalida Canada ee magaalada Toronto ayaa sidan ah hala yaabin waa xaal aduun iyo shaydaan ka adkaaday , bal ila aragay sidan.

Somalida iyagoo qax ah bay sagaashameeyadii xoog u soo galeen Canada intooda badana waxay joogaan Magaala Toronto,  Muslimiin badan  ayaa kaga soo horeeyay Somalida oo kasoo kala jeedo Eeshiyan iyo Dad  asalkoodu yahay Carab oo Misaajido  dhisay kheyr Allaha siiyo,Somaalidu intooda badan waxay isugu imaanjireen Misaajidka Jami masjid oo ay ku soo wada  dukan jireen iskuna arki jireen, intaa kadib shirar ay Somaalidu kujirto ayaa biloowday, si loo dhiso Misaajido kale Somaalida iyo qolooyin eeshiyaan ah ( ASIA) baa ku heshiiyay in la dhiso Masaajid  kale oo weyn Culumo Somaaliyeed ayaa wax qayb ka noqdeen soo ururinta lacagihii lagu dhisi lahaa masjidka cusub, nasiib wanaag waxaa si dhaqso ah loo helay lacago fara badan oo inteeda badan shacabka  Somaaliyeela laga soo ururiyay waxaana loo sheegay in Muslimiintu ay ubahaan yihiin in ay dhistaan Masaajid kale maa daama ay baahi jirto ilaahay baa u fududeeyay  Qoladii eeshiyaanka iyo Somaalidu waxay  dhiseen maaasjidka  weyn ee quruxda badan ee Tariq Masjid .

Muddo yar kadib wadaadadii Somaalida  ayaa  xogaa   la riixay oo kuwii Eeshiyaanka  ayaa riixay,  wadaado  Somaalida ah ayaa seeftooda gasha kala baxay oo fursad u arkay sida xaalku yahay afka ayay kala fureen waxay yiraahdeen war Somaaliyeey cod dheer, Ruux walboo Somaali ah  ayaa qayla dhaantii war Somaaliyeey ku soo baxay jeebkana gacanta kula boobay deen iyo deeq waxay Somaalidu heli kareen way isku keeneen, Somaalida oo dhan aan cid ka maqan ma aysan jirin isna wada jecel, waxay iska soo ururiyeen lacag aan la qiyaasi Karin, ALLA mahadii waxaa si sahal ah loo dhisay Masaajid qurux badan  waxaana loogu Magac daray Khaalid Bin waliid waa nimco Alle lakiin Alla dartiis lacagta   uma aysan dhiibin waxay u dhiibeen war Somaaliyeey,

Masaajidkan  muddo yar kolkii uu furnaa baa hoosta layska taabtay oo Somaalidii kaaligoodii ayaa isku soo haray qolo xarfaan ah ayaa xukunka inay la wareegaan  oo meeshii cilad ayay ka bilaabeen Qabyaaladii  iyo wasaqdii Dalkeena lagu soo dumiyay ayaa halkaani lalayimid, isha ayaa lasku qabtay oo dagaal hoose iyo is jiid jiid baa halkaasi ka biloowday oo war yaa hebal ah ayaa ka bilaabatay oo sheeko dheer baa dhacay ilaa meel xun ayaa la isla gaaray oo aan halkaan lagu sheegi Karin  dagaalkaasi waxa uu dhex maray wadaadadii shalay Dadka Somaali ahaan waxay uga soo ururinaayay ileen lug baa qaarkooda uduugneed, oo Somaali uma  ay dhisaynin waxa ay  udhisayeen  Tolkiisa,& danahooda gaar ahaaneed,ceeb baa halkaasi ka dhacday Qoloooyin  ayaa dibada loo tuuray.

Qolooyinkii  lasoo tuuray   waxay bilabeen war yaa Toleey iyo Tolbeelayeey waa arinta ugu sahlan ee Somaalida lagu kicin karo ee  wax looga qaadi karo, Qolooyinkaan qoloba jufadeeda hoose bay kula noqotay hala yaabin  Masaajidka KHaalid bin waliid waxa uu dhalay masaajido  faro badan sida  Daarul hijra,Bukhaari masjid,Al-Rowda,Abuu Dardaar- Bakaaro masjid,Alxikma,iyo kuwa kaloo fara badan, Masaajidaan way is dhal dhaleen hadii labo wadaad oo shalay saaxiibo ahaa xoogaa  mid hadii la qarjuufto waxaa usahlan in uu wacdo Tolkiisa loona furo masaajidka Tolka,

Magaalada masaajido badan waxaa loo yaqanaa Masaajidkaas waxaa ubadan oo ku dukado Reer hebel  waxaad dareemaysaa Meeshii Baytulaahi ahayd in laga dhigay Beytul Qabiil ama meeshii Tolka ku kulmi lahaa , meelo qaar waxaad arkaysaa jufo kaligood ay  joogaan oo qof  qof soo habaabay ama meel kale ka gaari waayay  ayaad ku arkaysaa lakiin waa nasiib daro ku dhacday wadaadadii iyo ummadii kale.Musiibadaan qof ka hadlo majirto maxaa yeelay qofkii ka hadlo waxaa dhacayso Tolkaada ama kuwa kale inay kula dagaalamaaan maxaa yeelay  howshooda ayaad soo dhex gashay ileen wadaadka Tolkiisa jeebka ayay ugu jiraan oo waxa uu leeyahay reer hebel sow ma aragtaan masaajidkooda waxa walbo ayay uqabtaan  marka si Ganacsigiisa aan loo arkin majeclo qolada kale masaajidkooda in laga hadlo, culimada waxay noqdeen rag daneestayaal ah salaada way dukadaan cilmiga way yaqaanaan laa kiin shaydaankii baa ka adkaaday oo uqrxiyay Qabiilka , waxaa  laga yaaba Misaajidaan faraha badan ee ka hoos dhashay masaajidka khaalid bin waliid in ay iyagana kala sii ja jabaan oo ay iyagana ay sii dhalaan masaajido kale oo faro badan, qaar baa hadaba isku dhagan.

Waxaa kaloo jiro arin qosol badan aqristoow dadka Toronto ay wada ogyihiin lakiin in laga hadlo majeclo  barnaamijkaan waan ugu hadlaynaa qaybo ka mid ah foolxumada ay reer Toronto haysato  waxa jiro  Radiyo  uu maamulo nin Somali ah  markaad dhagaysato daqiida kuugu horayso waxaad ogaanaysaa  qolada iska leh, Raadiyahan waxuu si toos ah ucayaa qolo kale muusikda ay caanka kutahay ee laga soo dooyaa waa Ciyda Dameeraha( Qaylida Dameerka) qolada laga caayo Radiyahan si ay isaga difaacaan  waxay fureen Radio cusub oo ay ku difaacaan Reerkooda ileen halkaani la isma dagaali  karo waxaa furan kun farsamo sida  afka iyo kan qoraalka.

Kanada waa meel ay misaajidada is dhalaan  xafiisayadu ay is dhalaan Radiyaashu ay is dhalaan waxaa kaaga sii daran Maqayaadaha way is dhalaan Reer walbo maqayad baa ufuran oo waa macruuf hadii aad aamini karto iyo hadii kale kanada waa hoyga Qabiilka  waxay joogaan 1990  Dadkooda weli kama ilbixin Qabiilka qolooyinka isboortiga ayaad isleedahay  xogaa way ka ilbaxeen  lakiin  waxay leeyihiin kooxo Qabiil ku dhisan iyo weliba  farsamooyin aan caadi ahayn bay ku dabaaq tamaan qolooyin kaan isboortiga   way isku gaban yihiin

Toronto Misaajid Misaajid dhalay, Radiyo radiyo dhalay, Maqaayad maqayad dhashay,kooxo isboorti isbooti dhalay, macallin duqsi quraan macalinka kale dhalay yaabka yaabkiisa

Qormada xigto waxaan uga hadli doonaa Masaajida Magaalada SAN DIEGO oo ka tirsan  GOBOLKA L/A wadanka Maraykana lasoco waa qormo run sheeg ah magaalaasi aan kaaga haayo  ceebo badan oo ka dhacay.Qormada sadexaad ayaa ka qosol badan waxaan kaaga hayaa wadanka swedhan magaalada Stockholm  wadanka Sweden , qormada xigto ee tan afraad waa magaadalada Muqdisho oo aad layaabi doonto waxa ka dhacay, iyadana haduu rabi idmo, waxaa ku xegi doono magalada Marko cadeey oo aad layaabi doontaan,waxaa ku xegi doono magaaalada Ber bera qiso ka dhacaday xili hore ,magaalaada Oslo wadanka Norwey oo aad layaabi doonto , maagalada Nayroobi oo kaa yaabin doonto warka laga haayo,iyo magaalooyin faro badan ,Masaajid masaajido dhalay Macallin macallin dhalay, Maqaayad maqaayad dhashay,Mashruuc mashruuc dhalay,Radiyo Radiyo dhalay, isboorti isboorti dhalay, joornaal, joornaal dhalay Magaalda Toronto waa magaaladii bareejada magaaladii Tolka.

W/D: Maxamed Adkeeste