Wuxuu Oday Faarax u dirsaday gabadhiisa Caag biyo ku jiraan oo uu Musqusha (Suuliga) la galo waxay si dhaga wadani ah usoo ag dhigtay caag biyaysan,sidii qof kaadi gubayso ayuu hal haleel inta uga istaagay gogoshii uu ku fadhiyay u qaatay ganbar ag yaallay oo Gabadhu ag dhigtay biyihii uu dirtay , wuxuu la galay Suuliga cidna isma waydiin waxaase loo qaatay inuu doonay inuu garka iyo shaaribka isaga soo xiirayo uuna timaha ka fogaynayo aqalka iyo heeradkiisa .
Muddo gaaban ka dib ayuu soo baxay asagoo surwaalkii uu qabay gacanta kuwata qabana Nigis (buume) jilbaha korkooda u jooga wuxuu si darisku maqli karaan ugu yeeray xaaskiisii wuxuuna waydiiyay qofka sarwaalkiisa uga soo tagay suulliga , marwadii ayadoo horay uga caraysnayd lacagta ay ubadkooda baahida daran u qabaan ee uu caleenta miiroowga soo siisto ayaa tiri koleey qof aan miyir lahayn waxaanse filayaa waa adiga xaaji .
Odaygii oo caro darteed dulqaadkiisu gaaray eber ayaa ku canaantay Falxado wallee dharaarahan waad isaaran tahaye inaan mudankaaga ku mariyo weeye, ma haattan ayaad waali igu sheegtay waan arkayay inaad waayadaanba lalmanayso oo ibliis ayaa balag kuu lulay waxse ha iga siin waxaad ka dheefto wax dhan ayaan kuu dul-yeeshay haddase waxaa iga dhamaaday dulqaadkii ee cagaha dhulka dhigo islaanyahay .
Ayadoo cuskanaysa wacdi ay maalin aan fogayn kasoo kororsatay sheekh buuni ku ah diinta iyo fidinteeda ayay tiri Xaaji miyaadan ogayn in qofka miyirkiisu maqan yahay sida aad haattan tahay salaadi aysan ansax ka ahayn, muranka mutuxan iska daaye bal hoos isu eeg maxaad xiran tahay , ma sidan ayaad ku fayoowdahay , Tolbeelaye hadduu intuu cuno ciidan keeda leeyahay cawo soo ma ahaateen ayay Falxado oo ciil biirsatay ku catawday , war ma adigoo doog daroogo ah gini (labaatan)maalin walba siista caruurtiina aysan caano iyo caddays hayssan ayaad miyir leedahay , ayadoo dareen siinaysa inay kaalintuu lahaa uu gabay ayay tiri Ganbada qaado ee go’a isii !!
Odaygii oo inta dareemay inuu yahay qofka qaawan ee hadana naadinaya surwaalkuu xirnaa ayaa yax-yax dartii dhidid buur buuran shax kasoo yiri hadal asagoon soo celin ayuu canka (daanka) qaadkii isaga daba tagay tufay kii u harayna si cadaawad leh u ja-jabiyay yiri Xilahaygu dalaaqan hadaan Qaad danbe Cuno , Cadaabna allaha iigu badalo hadaan dirham dalbe siiyo daroogo .
Galabkaas wixii ka danbeeyay Marwo Falxado waxaa u bilowday nolol hor leh Oday Faaraxna wuxuu ka baxay xabsigii Qayilaadda, Marqaanka, Hawadii Beenta ahd iyo Khuuradii Markay asaaggii qooqinayaan dhallaankooda , waxay ahayd galabkuu ka faraxashay Qaadiradii iyo Cibaado xumadii uu gu’yaal kusoo jiray maalinkaa wixii ka danbeeyay Mursal iyo Muumino , Ardo iyo Idiris waxay yeeshee Aabbe ka waardiyeeya hadimooyinka iyo hagar daamada waayadu sidaan , Marwo Falxadana Cilaanka (Xinaha ) kama dagin gacmaheeda sidii gabar dharaar dhaw lasoo guursaday .
Anqaastii Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan













You must log in to post a comment.