Mareykanka: Maxkamad xukun ku riday Imam Masjid iyo dad kale oo Somali ah

Afar qof oo Soomaali ah oo uu ku jiro Imam Masjid ayaa jimcihii shalay waxaa maxkamad ku taala magaalada San Diego ee gobolka California ee dalka Mareykanka ay ku heshay dambi la xiriira argagixisanimo.

Dadkaasi ayaa ku eedeysnaa inay lacag siiyeen oo ay taageereen kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia. Kadib maxkamada socotay saddex toddobaad ayaa xeerbeegtida waxa ay afarta qof ee Soomaalida ah ku qireen dambigii lagu heystay.

“Xeer begetidu ma aysan aqbalin doodihii qareenada difaacayay dadkaas ee ahaa in kadib bilo laga duubayay wada hadallo taleefon oo ku saabsan xabado, bambooyin iyo Jihad, inay ahaayeen wax la xiriira saddaqo” ayay tiri dacwad oogaha Laura Duffy.

Dadka dambiga lagu caddeyay aya akala ah.

1 – Basaali Saciid Maxamed oo ah 36 jir taksi ka wada magaalada San Diego.

2 – Ciise Doorex oo ah 56 jir ka shaqeyn jiray xawaalad Soomaali ah.

3 – Maxamed Maxamed Maxamud oo ah 40 jri Imaam ka ah Masjid ku yaalla San Diego.

4 – Axmed Nasiri Tahlil Maxamud oo ah 37 jir taksi ka wada magaalad Anaheim.

Waxaa dhammaantod la sheegay inay Al-Shabaab u direen lacag dhan 8,500 oo dollar.

16-ka bisha May ayaa lagu wadaa in lagu xukumo waqtiga ay xabsiga ku qaadan doonaan.

Use Facebook to Comment on this Post

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: