Nairobi (Caasimada.com) Madaxwayne Shariif sheekh Axmad ayaa maanta isaga baxay shirka lexda Saxiixayaasha ay kulahaayeen magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Wararka aynu kahalayno Kenya ayaa kuwaramaya inuu udulqaadana waayay hadalo ay halkaas kasoo jeedinayaan qaar kamid ah lexda saxiixayaasha oo uu kamidyahay Cabdiraxmaan faroole oo ah Madaxwaynaha maamulka Puntland.
Shirka ayaa maanta waxaa lagu waday in looga hadlo sida loo soo xuli lahaa Baarlamanka Cusub lakin muran ayaa shirka hareeyay,Faroole ayaa shirka kayiri Maamulka Qaatuma soo xulisteeda Puntland halagala tashro halk Ahlusuna ay hadal aan la aqbali Karin shirka kasheegtay taasna waxaa ay soo dadajisay in Shariif axmad uu shirka kakaco.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo jeediyay in marka hore doorashada madaxwayne laqabto kadibna loo gudbo soo xulida gudoomiyaha Baarlamanka.
Intaa xaalka marka uu marayo ayaa waxaa madaxwayne shariif uu kasoo tagay Shirka isagoo socda kadibna waxaa uu soo aaday Garoonka diyaardaha Kenya halkaas oo uu kaduulay.
Mahiga iyo Shariif Xasan iyo siyaasiyiin kale ayaa iskudayay inay celiyaan Madaxwaynaha lakiin waa uu kadiiday.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post













You must log in to post a comment.