Madaxweyne Xasan Sheikh oo arrimo badan shaaca kaga qaaday London

London (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xaley kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London ayaa sheegay in dowladiisa ay ahmiyad ballaaran siin doonto ammaanka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii ugu horreysay 22-sano ciidamada dowladda loo sameen doono xeryo ay lee yihiin oo lagu xareeyo.

Mar uu arrimahaas ka hadlaayay wuxuu yiri “Dowladda caqabadaha heestay waxa ay ahayd siddii ay wiilasha Shabaab ugu soo noqon lahaayeen wax la mid ah, 22-sanno kaddib markii ugu horreysay waxa magaalada Muqdisho laga aasaasayaa xeryo ay ciidamada amniga lee yihiin , askarigeena amniga ka shaqeeya qorigiisa garabka ugu jira, subaxdii waa uu soo shaqo tagaa caawana isagoo qorigiisa garabka ugu jira gurigiisa u hoydaa, makala taqaanid askariga Uniform-ka watta ee waddada maraya in askari dhab ah yahay in uu yahay Shabaabkii wax dilayay oo wax qarxinayay si loo kala saaro marka askarta dowladda ee shaqeysaaye aan ka saarno wadooyinka ee xeryo ha loo sameeyo”

Madaxweynaha ayaa u sheegay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan London in looga baahan yahay in dib dalka ugu soo laabtaan oo ay ka qayb qaataan dib u dhiska iyo horrumarka ka socda.

Wuxuu sheegay in Soomaali badan oo dibedda ku nool 22-sanno in ay hadda go’aan ku gaareen in ay u soo wareegaan iyaga io qoyskooda dalka.

Madaxweynaha ayaa u sidoo kale u sheegay Soomaalida ku dhaqan London iyo guud ahaan dalka UK in ay dhaqaale ku bixiyaan dib u dhiska dalkooda, isla markaana gacan ay siiyaan dowladda hadda jirta oo ah dowlad rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa ku celiyay in dowladiisa ay ka go’antahay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo wax ka qabashada tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

 

Use Facebook to Comment on this Post

kubad logo4
Tags: 

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: