Muqdisho(Caasimada.com)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaynaha Dowlada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad ayaa booqasho kedis ah waxaa uu kutagay goordhow Degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe.
Dadka Degmada Balcad ayaa soo dhaweeyay Madaxwaynaha iyagoo ku dhawaqayay Soo dhawoow Madaxwayne iyo Waxyaabo kale oo lamid ah.
Amaanka Madaxwayne Shariif ayaa waxaa aad u adkaynaya Ciidamadiisa gaarka ah oo bar bar socdaan Ciidamada Midowga Africa ee Amisom iyo Kuwa Dowlada KMG.
Madaxwayne shariif ayaa dadka reer balcad gacanta u haatinayay waxaana uu Madaxwaynaha Saacadaha soo socda kula uu laqaadan doonaa Odayaasha dhaqanka degmada.
Waxaa kale oo lagu wadaa inuu booqdo Farumaha Dagaalka ee degmada Balcad ay ugu jiraan Ciidamada Dowlada iyo Amisom.
Booqashada Shariif degmada Balcad ayaa waxaa ay kaqaybtahay Olalahiisa doorashada Dalka Ka dhacaysa Dhawaaan,waana socdalkiisii labaad uu kutago degmada Balcad.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post
You must log in to post a comment.