Madaxwayne Shariif oo booqosho lama filaan kutagay Afgooye

Afgooye(Caasimada.com)-Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Shariif sheekh Axmad ayaa waxaa maanta si lama filaan uu ku gaaray degmada Afgooye ee gobolkab Shabeelaha hoose.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Afgooye waxaana uu madaxwaynaha uu tagay beerta Sheekh saacid kulana kulmay Odayaasha degmada si uu kala hadlo xaalada Amaan ee degmada sida ay tahay.

Booqashashada Madaxwaynaha ayaa waxaa uu kuwehliyay Wasiirka gaashaan dhiga iyo Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka.

Madaxwayne Shariif ayaa Odayaasha dhaqanka kadhagaysanaya waxyaabaha ay tabanayaan oo ay kamid tahay  xaalada Amaanka degmada mudooyinkii ugu dambaysay faraha kasii baxaysay.

Wararkale ayaa sheegay in qaarkamid ah odayaasha dhaqanka ay kasoo horjeesteen inay lakulmaan madaxwaynahay taasna waxaa ay usababeeyeen in madaxwaynaha uu wax kaqaban waayay xaalada Amaanka degmada ,Ciidamada dowladana ay dil iyo dhac ugaysanayaa dadka degmada.

Lama oga madaxwaynaha inuu dib uga soo noqonayo iyo inkale Afgooye oo haray uu ugu hoyday degmadaas oo kamid ahayd goobihii Al-shabaab laga saaray.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: