Gaalkacyo (Caasimada.com) - Madaxwaynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Jen.Cabdi qaybdiid ayaa kahadlay eedeeyn uu usoo jeediyay Doorashada lagu soo doortay isaga Madaxwaynihii ka horeeyay ee Maxamad Axmad Caalim.
Ninka Waqtiigiisa uu dhamaaday ee horay u ahaa Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Mr .Caalim ayaa isagoo kusugan Dalka Kenya halkaas oo lagu dawaynayo isagoo lahadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee Bbc-da wuxuu sheegay in Cadaalo daro ahayd Doorashada lagu caleema Saaray Madaxwayne Qaybdiid.
Caalim ayaa sheegay in Doorashadan dhacday uusan kawarqabin lamana gaarin ayuu yiri Xiliga lagu balamay Doorashada Galmudug.
Madaxwaynaha Cusub ee Codka ugu badan ay ugu shubeen Baarlamanka Cusub ee Galmudug Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in Doorashada ay dhacday waqtigii loogu talagalay oo si cadaalad ah uu ku yimid kursiga Madaxwayne.
Waxuu Qaybdiid intaa hadalkiisa uu ku daray hadii Caalim uu daruufa kale ugu soo qaybgali Waayay Doorashada ma ahan ayuu yiri inuu Doorashada Kutilmaamo mid la musuq maasuqay.
Madaxwaynaha Sadexda Sano ee Soo aadan Galmudug maamuli doono ee Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in marka isaga ladooranayay ay goob joog ka ahaayeen Shacabka Galmudug iyo Maxkamada Sare ee Maamulka.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post
You must log in to post a comment.