Madaxda dalal carbeed oo la sheegay inay qeyb ka yihiin burcad badeeda.

Taliye sare oo ka tirsan milatariga dalka Iran ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaasha Carbeed ee dalalka Imaaraadka Carabta, Yemen iyo Saudi Arabia inay mas’uul k ayihiin burcad badeednimada Somalia.

Isaga oo la hadlayay wakaaladda wararka ee FNA ayaa taliyaha ciidamda badda Iran General Mohammad Nazzeri waxa uu sheegay in dad ka kala yimid dunida dacaladeeda ay xadayaan kheyraadka iyo keyda badda Somalia.

Waxa uu yiri in taasi ay saboolnimo ka abuurtay dalka ku yeella Geeska Afrika, islamarkaana kasii dhigtay mid khatar ah.

“Burcad badeeda gacanka cadmeed, si fudud waa dad kallumeysato ah, hase yeeshee kuwa ka mas’uulka ah waa hogaamiyayaasha Imaaraadka Carabta, Yemen iyo Saudi Arabia” ayuu yiri General Nezzari.

“Waxa ay Soomaalida siiyaan lacag, hub iyo qalab si ay u afduubtaan maraakiibta” ayuu sharxay Nezzari oo intaas ku daray “mashaa’ikhda Carbeed kama tagaan wax lagu dabi gali karo in iyagu ay dhiibeen taageeradaas.

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: