Muqdisho(Caasimada.com)-Allaha Unaxariistee waxaa maanta Aas qaran loo sameeyay Marxuum Ibraahim Imaan Xalane oo kooxo hubaysan ay xalay ku dileen magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa waxaa Aas loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa kasoo qaybgalay Aaska Maariyihii Garoonka Aadan Cadde Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada,Taliyaha Waaxda hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha,Xildhibaanno,Saraakiil ka tirsan Ciidammada.
Salaada Janaasada ayaa waxaa marxuumka lagu tukaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaana masuliyiintii kaqaybgalay oo uu kamid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka,Cirka,Dhulka,Badda iyo Dekedaha Xukuumadda Soomaaliya Aadan C/laahi Aadan uu Allaah uu ugu baryay marxuumka inuu janadii fardowso kawaarabiyo,waxaana uu dilkisa ku tilmaamay inuu ahaa mid xaqdara ah.
Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay maanta Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.