Ma Milicdeen Xalay Mana Jiricooteen!

Qormo xiise leh oo ku saabsan Olombikada London:

Qalinka Abukar Albadri

Muqdisho- Daqiiqado kooban oo il milicsigoodu aad u dhadhan macaanaa, qof daawaday mooyee aanan qof kaleba loo sifeyn kareyn ayaa ka dhacay qeyb ka mid ah Garoonka Olympic Stadium ee ku yaala Fagaaraha Olympic Park ee degmada Stratford ee bariga Magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo ay ka dhacayaan Ciyaaraha xagaaga ee London 2012 Olympic games.

Mar qura ayay shucuurtu is wada bedeshay oo daafa dunida dhami farxad lala qushucay, iyadoo bulsho waliba ay calankeedii ka dhex eeganeysay calamada meesha la isugu keenay ee ummadaha metelayey.

Malyuumaad Soomaali ah ayaa farxad la wada ilmeeyey, misena hab maamuus wanaagsan isu marxabeeyey, kaddib markii ay dhul iyo cir is qabsaday astaanta lagu shafro Cawaalaha buluuga ah ee huwan karaamada ummadda Soomaaliyeed, waa calankeena cirka lagu masaalee, kaas oo ka dhex babanayey goob ay ka taagnaayeen in badan 200 oo calan oo ay leeyihiin dadyow kale oo dunida ka kala yimid.

Hayeeshee astaanta calanka Soomaaliyeed ee laga tumay Stratford, lagana daawaday dunida guud ahaan si gaar ah u bilayey midabada mataanaha ah ee cirka iyo kan calankeena oo goob walba ee ka mid ah Garoonka Olympic Stadium huwiyey karaamo midabkeedu buluug yahay oo indhuhu ku doogsadeen.

Inta aan Xafladii furitaanka ee ciyaaraha Olympic-ga ka bilaaban London ee ay dadka Soomaaliyeed guud ahaan isu diyaariyeen in ay daawadaan furitaankan si ay mar uun fagaarahaasi uga dhex arkaan Cawaalaha sharaftooda huwan ee buluuga ah, ee muddo ka badan 20 sano fagaarayaasha uga maqnaa isagoo waayey cid u gurmata oo intey dhulka ka soo qaado soo joojisa fagaarayaasha caalamka.

Taasi waxaa ku guuleysatay gabadha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Zamzam Maxamed Faarax oo iyadoo xiran midabkeenii buluuga ahaa, misena huwan sharafta iyo karaamadda ummadda Soomaaliyeed malyuumaad dad ah hortooda si xarago leh ula talaabo qaaday calanka Soomaaliyeed.

Xilli ay ku beegneyd sideed saac oo habeenimo ee xilliga Soomaaliya ayaa xiriiriyihii xafladda ee microphone-ka kaga dhawaaqayey dalalka fagaaraha soo maraya ayaa wuxuu si qurux badan oo cod macaan ugu dhawaaqay magaca Soomaaliya, kaddibna waxaa muuqday kooxdii Soomaaliya ku mataleysay London 2012 oo dhamaantood ku lebisan calanka Soomaaliyeed misena si farxad leh u galbinaya calanka Soomaaliyeed ee ay luleysay Zamzam oo ay gadaasheeda socdeen halyeyga kale ee orodka Maxamed Xasan Axmed iyo macalinkooda iyo guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.

Sawaxan farxad xambaarsan ayaa Muqdisho iyo dhamaan magaalooyinka kale dalka is qabsaday, iyadoo dhalinyaro, waayeel iyo caruur aan loo kala harin farxadda iyo is marxabeynta lagu soo dhoweynayey halyeeyada Soomaaliyeed ee sharafteenii huwan ee calankeenii cawaale ahaa sida quruxda badan uga taagay bartii loo asteeyey in laga wada taago calamada adduunka oo dhan.

Inta aysan xafladda bilaaban shabakadaha warbaahinta bulshada (Social Media) waxaa si weyn u qabsaday war qiiro leh oo ay ka dhex muuqaneysay Zamzam Faarax oo qaadeysay ereyadan qiirada leh.

Dhulkeygiyoow

Kii laygu dhalayoon

Ku dhaqaaq bartoow

Kaa dhoofi maayee

Dhankaloo qalaad

Ku han dhaafsi maayee

Inta aanan dhiman

Lay kaa dhex gelin

Dhaar waxaan ku marayaa

Inaan kuu dhintaayoon

Kaa dhiciyo cadowgee

Bal goco oo dib u milicso beri samaadkii Soomaaliya, xilligii wiilka Soomaaliyeed lagu sifeyn jiray libaaxa keymaha Afrika, taas oo loola jeeday geesinimada iyo kartida gaar ahaaneed ee ay lahaayeen ciidankii Soomaaliyeed ee gumeyste walba sanka ka duray.

Dad badan oo waayahaas u soo joogay ereyada Zamzam ay qaaday waxay ku reebeen xusuus gooni ah oo ururgo xambaarsan, waayo waxay gocdeen xilli aad uga duwanaa kan ay manta ummaddeena ku jirto, iyagoo qaarkoodna halkaas ka saadaaliyey in qarankii Soomaaliyeed uu dhogor ridanayo oo haatan ka baxayo diihaalka ku dheeraaday, kaddib markii ay soo if baxeen halyeeyo u hana qaaday haba tiro yeraadaane.

Ereyada taariikhda galay ee waayuhu na xasuusiyey markii ay Zamzam heesta qaadeysay waxaa ka mid ahaa heesta Nadar ee ay ereyadeeda ka midka yihiin.

Nadar baan horey u galay

Niyadeydu waa meel

Haddii aanan soo noqon

Calankeyga Nuurow

Allahayow ku nabad geli ….Aaamiin

Sida taariikhdu ay dhigeysana, Laba xidigle Xalane, oo ah ninka loogu magac daray Xeradii Xalane ee duleedka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, wuxuu geeriyooday isagoo ka difaacaya in calanka Soomaaliyeed ay meel uu surnaa ka siibaan ciidan Xabashi ahaa oo ay markaas dagaal culus kula jireen, kuwaas oo ku soo siqay dhufeysyadii geesiyadii Soomaaliyeed ee xilligaa difaaca ku jiray.

Bulshada dunida ka soo kala safartay ee 80,000 ka badnaa iyo Bilyanaatka shaashadaha caalamka ku dheygagay ee daawanayey furitaanka Ciyaaraha London fajaciso kuma aysan aheyn in ay arkaan calanka Soomaaliyeed oo si xarago leh loo lulayo, waayo wuxuu ahaa calan ay fagaarayaasha ku yaqaaneen oo in muddo ah uun ay waayeen meel uu ka baxay.

Calankan waxaa fagaarayaasha si aad ah dadka ugu baray halyeyga Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Cabdi Bile Cabdi oo bartamihii sideetamaadkii labo mar Somalia u soo qaaday billadda dahabka ah ee 1500 ee mitir oo uu si xarago leh uga soo qaaday ciyaarihii Olimbikada Rooma ee 1987-dii iyo ciyaarihii Olimbikada ee Barcelona 1989-kii.

Cabdi Bile wuxuu dhigay ciyaaraha Rooma rikoor cusub, wuxuuna 800 ee mitir ee ugu dambeysay ee orodka 1500 ee mitir ku orday muddo ah 1:46.0 taas oo ah waqtigii ugu gaabnaa ee qof tartamaayo uu muddo intaas la eg ku ordo dunida oo dhan.

Inkastoo Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Axmed ay ka yimaadeen Soomaaliya oo xilliyadii ay tababarka ku jireen oo dhami ku soo qaateen xabad ka gambasho, dil ka baqid iyo jahwareerka ay ma wadaageen ummadda Muqdisho ku dhaqan, haddana soo shaac bixidooda ayaa guul ugu filan ummadda Soomaaliyeed oo haatan u jiheysaneysa dhanka horumarka, kana soo jeesaneysa dhanka dagaalka.

Haddaba, ma u diyaar garowda habeenka loogu magic daray habeenkii oohinta farxadeed? Habeenkaasi waa habeen qofkii uu dhaafo uu aad u nasib daran yahay, waayo waa taariikh aad dib u soo noqoneyn oo horey uun u soconeysa.

Habeenkaasi waa habeenka ay Zamzam iyo Maxamed Tiyaatarka Olympic Stadium u soo fuulayaan in qoorta loo suro biladaha dahabka ah ee ay qaadeen, wuxuuna habeenkaas astaan u noqon doonaa dhamaadka dhibaatada Soomaaliya, waayo dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa u wada diyaar garoobaya in ay farxadaasi darteed u wada ooyaan si illinta indhahooda ka qubata daadkeedii uu u qaado inta qaswadayaasha ah ee ka nixi doonta guulahaasi taariikhiga ah.

Soomaaliya waa dad ku faana orodka waana dadka dunida ugu orodka badan, laakiin waxaan weli la siin fursadii ay ku soo bandhigi lahaayeen dadkooda ALLAAH ku maneystay orodka duulista u dhigma ee mucjisada ah.

Tusaale haddii aan u soo qaato qiso yar oo aan ku maqlay cilmi dhegood ahaan, xilligii ciidanka Soomaaliya ay la dagaalamayeen xabashida, askarta raafka ahna la aruurinayey ayaa waxaa la qabtay nin dhalinyaro ah oo laba dhiilood ku sitay caano uu suuqa u soo waday.

Markii la qabtay ee xeradii la geeyey ayuu ooyey, kaddibna waxaa la weydiiyey maxaa kaa oysiiyey, wuxuuna ku jawaabay “Kama baqayo askarinimada, kamana baqaayo inay caruurteyda agootoobaan, balse waxaan la ilmeeyey orod korkeyga ku jiray iyo sida fudud ee la ii soo qabtay”

Askartii oo yaaban ayuu teliyihii wuxuu ninkii ku yiri “Bal orod haddaba haddii aad fakan kareyso” wuxuuna soo joojiyey afar waranteeri ah oo loogu talo galay inay soo qabtaan askarigii isku daya inuu orod ku baxsado.

Ninkii wuxuu taliyihii ka codsaday inuu dhiilihiisa siiyo si haddii uu fakado uu ula fakado, kaddibna wuu ka aqbalay isagoo is yiri ma nin dhiil wada ayaaba ordi kara.

Ninkii markii uu dhiilihii gacanta ku dhigay ayuu orod booday, kaddibna kooxdii afarta aheyd ayaa ka daba boodday, balse wax aan siigo meel fog ah aheyn ayeyba arki waayeen, ilaa inta ay shakiyaan is yiraahdaan wuxu dad ma aheyne jin ayuu ahaa, sidii ayuuna kaga fakaday isagoo weliba dhiilihii ku raran.

Bal ka warama haddii ninkaasi reer miyiga ahaa iyo asxaabtii ay isla ula bootami jireen ay Soomaaliya soo safi laheyd safka orodka, wallee wacdaraa dhici laheyd…!

Haddaba, haddii aad milicsatay xalay wixii ka dhacay Barxadda Garoonka Olympic Stadium ee Stratford, waa hubanti in aad jiriricootay, balse waxaad sugtaaba waa habeenka oohin farxadeedka biladaha dahabka ah loo farxayo loo wada balansan yahay iyo sida aad dareenkaaga ula qeybsato Zamzam iyo Maxamed Rabbi haku guuleeyo hadafkooda ay hiigsanayaane.

Haddii aad qoraalkan aqrisay, u duceey Zamzam iyo Maxamed inuu ALLAAH ka dhigo kuwo inta ay la tartamayaan ka sara mara, ummadda Soomaaliyeed magaceedana guul waarta u soo hooya.

Adiga oo mahadsan wixii dhaliil ah ku soo dir Abukar.albadri@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: