Afgooye(Caasimada.com)-Kadib markii Madaxwayanaha Dowlada Soomaaliya maanta uu booqday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa kulan uu laqaatay Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa uu kala kulmay Madaxwayne Shariif cabasho badan dadka shacabka.
Kulanka Madaxwayne Shariif iyo Odayaasha ayaa waxuu kadhacay maanta Beerta Sheekh Zaa’id ee Afgooye iyadoo madaxwaynaha uu qaatay dhaliisha maanta ay usoo jeediyeen dadka reer Afgooye.
Intaa kadib Madaxwayne Shariif ayaa Canaantay Sarakiisha Dowlada oo uu kamidyahay Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Dhege badan,canaantaas oo ahayd mid salka kuhaysa wax kaqabasha la’aanta Xaalada Amaanka Degmada oo Ciidamada Dowlada ay ku boobayaan dadka rayidka.
C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan oo Warbaahinta lahadlay ayaa waxaa uu sheegay in Canaanta Madaxwaynaha ay qaateenn islamarkaana ay Xabsi dhigeen Sarakiil iyo Taliyaal Ciidan oo kamid ah kuwa horkacaya guutooyinka Ciidamo ee Afgooye kusugan.
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka Cabdi Samad Macalin Maxamuud sheekh Xasan faarax oo kamid ah Wafdiga Madaxwaynaha ee booqday Afgooye ayaa Sarakiisha Ciidamada Dowlada si kama dambays ah digniin ugu jeediyay.
Dadka Afgooye ayaa mududii yarayd ee Dowlada katalinayaan degmadaas waxaa ay sheegeen in Nacayb badan ay ku bereen kalana noqdeen kal soonidii ay uhayeen markii ay ku bateen dhaca iyo dilka lagu hayo.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.