Liverpool oo kaga adkaatay Chelsea, Arsenal iyo Man U saxiixa xiddig mucjiso ah.

Liverpool ayaa sameyn doonto saxiixeedii ugu horeeyay ee cayaaryahan ay kasoo iibsato Internet-ka.

The Reds ayaa u yaboohday inuu tababar la qaato 15 jirka mucjisada ah ee reer Brazil William McLaren, kadib markii ay ka aragtay internet-ka.

Liverpool ayaa la hadashay McLaren, kadib markii ay xirfaddiisa ka daawatay website-ka Brazil ee Pnera, ee shaqadiisu tahay inuu caalamka tuso cayaartoyda laga yaabo ee da’da yar ee dalka Brazil.

“Wakiil ka socda Liverpool ayaa ii yimid si uu ii arko aniga oo cayaaraya, waa uu jecleystay wixii uu arkay, waxaana kooxda ay ii soo dirtay qandaraas” ayuu McLaren u sheegay website-ka Glopoesporte.com.

McLaren ayaa sheegay inay jireen kooxo kale oo daneynayay saxiixiisa, sida Manchester United, Chelsea iyo Arsenal.

Xiddigaasi ayaa leh qaab cayaareedka laacibka Santos ee Naymar.

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: