Wararka aan ka helayno Deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta shil gaari oo laga naxo inuu ka dhacay deegaanadaasi.
Shilka gaari ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay inta u dhaxaysa Degmada Burtinle iyo magaalada garoowe ee Gobolka Nugaal sida ay sheegayaan wararka aan helayno.
Sida wararka ay sheegayaan Shilkaani naxdinta badan waxaa ku dhintay seddex ruux waxaana ku dhaawacmay labo kale.
Seddexda dhimatay labo ka mid ah waxay ahaayeen dadkii lamaanaha ahaa ee isa soo mehersaday waxayna noqotay naxdin hor leh.
Dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Garoowe halkaasi oo lagu baxnaaninayo.
Gaariga ay saarnaayeen dadkaan ayaa ahaa mid si xowli ah ku socday waxaana uu ahaa nooca loo yaqaan TOYOTA,Market 11.













11/14/2012 at 9:49 PM
inalilah wa ina ilah rajicun ilahow u naxariso wa qadar qoran wax kasyo o qaran waa amar ilaah janadii fardowso ilaah ha idin geeyo amin amin
11/11/2012 at 2:14 PM
inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun kamaxumi qadarta alle ee waan ka naxay ayagoon wli is bismilayn ilaahow u naxariiso aakharana kayeel kuwii jannad aisku aroosa AAAAAAAAAAAmiiiiiin