Maxaa Laascaanood ku qabsaday Guddoomiyaha magaaladaas?

Laascaanood (Caasimada.com) - Gudoomiyaha Maamulka Somaliland ee Magaalada Laascaanood ayaa Wararka waxaa ay sheegayaan inuu halis ugalay inuu kudhinto Weerar qarax oo loo maleegay.

Sida Wararka aynu kuhelayno Gudoomiyaha magaalada Laascaanood Faarax Cabdi Yare ayaa lasheegay in lagu Weeraray gurigiisa ,waxaana dilkiisa loo adeegsaday Waxyaabo Qarxa.

Maxamad cabdi Qaadir oo kamid ah dadka deegaanka ayaa Shabakada Caasimada usheegay in laysku dayay Habeenkii Xalay in ladilo Gudoomiyaha lakiin uu kabad baaday.

Inta la Ogyahay Hal qof ayaa ku dhaawacmay Weerarka Qaraxa ee lagu qaaday Gudoomiyaha Degmada Laascaanood iyadoo Ciidamada Somaliland ay Wadaan howgalo lagu baagi goobayo kooxda iskudayay inay dilaan Faarax Cabdi Yare oo ah Gudoomiyaha Degmada laascaanood.

Sidoo kale isla Habeenkii Xalay labo Qof oo shacab ah ayaa siyaabo kala duwan waxaa loogu dilay Isla Degmada Laascaanood.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: