Arsenal oo Chelsea kula loolameysa saxiixa garablaha naadiga Wigan Athletic.

Arsenal ayaa waxa ay diyaar u tahay inay Chelsea ka hoos bixiso saxiixa weeraryahanka Kooxda Wigan Victor Moses.

Wargeyska Daily Star ayaa qoray in Arsenal ay doneyso inay Chelsea iyo Liverpool ka afuudbato Victor Moses, haddii Theo Walcott uu ku gacan seero inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Wigan ayaa illaa iyo hadda iska diiday dhammaan wixii gor goris ahaa oo lagu sameeyay Moses – Kaasi oo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga soo socda – islamarkana milkiile Dave Whelan uu beeciisa dul dhigay 12 milyan.

Si kastaba Wenger ayaa iminka diyaar u ah inuu xiddigaas u dhaqaaqo ayada oo ay shakiyo badan ku jiraan mustaqbalka Theo Walcott ee kooxda.

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: