Kiiskii Dahabshiil iyo Waagacusub oo go’aan laga gaaray + Documents.

Maxkamadda magaalada Breda ee dalka Holland, ayaa go’aan ka gaartay kiis dhowanaahan u socday maamulayaasha Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil iyo Waagacusub Dahir Abdulle Alasow.

Kiiskan, ayaa billowday 19-kii bishan, kadib markii Dahabshiil ay dacwad ku furtay Waagacusub Media iyo Sunatimes.com, ayada oo ku eedeeysay in lagu faafiyay warar iyo warbixino dhaawacay Shirkadda Dahabshiil, islamarkaana hoos u dhigay macaamiisheedii.

Haddaba 29-kii bishan, ayay maxkamadda go’aan ka gaartay kiiska Cabdirashiid Dahabshiil iyo Waagacusub, ayada oo laashay dhammaan dacwadii Dahabshiil kusoo oogtay Dahir Alasow, sida ku cad document kasoo baxay maxkamadda oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online.

Ka sokow laalista kiiska, ayaa sidoo kale Maxkamadda Magaalada Breda waxa ay markii labaad lacag fara badan ku ganaaxday Shirkadda Dahabshiil, sababo la xiriira waqtigii ay ka lumisay qareenada Dahir Alasow iyo xeerbeegtida.

Dahabshiil waxay Maxkamadda ku xukuntay inay bixiso lacagta xeerbeegtida iyo tan Lawyer-ka halkii ay ka sugeeysay in Maxkamada xukunto Dahir Alasow.

Cadadda rasmiga ah ee lacagta lagu ganaaxay Dahabshiil oo aad ka arki kartaan documents aan hoos ku lifaaqnay, ayaa ah 117,650 (Boqol toban iyo toddoba kun lix boqol iyo konton, Euro).

“Dahir Alasow wuxuu ku andacoonayaa in qoraaladiisa yihiin kuwa sax ah, sidaas darteed waxay Maxkamadda laashay dhamaan dacwadii Dahabshiil ku oogtahay Wariyaha madaxbanaan ee Mr Alasow” ayaa lagu yiri go’aan kasoo baxay maxkamadda.

Go’aanka Maxkamada soo saartay ayaa ka dhigan guuldaradii labaad ee Shirkadda Dahabshiil ka qabsata dacwadaha ay ku oogtay Dahir Alasow.

Kiiskii hore ee Dahabshiil ku guul darreysatay ee ka dhanka ahaa Dahir Alasow oo dhacay labadii august ee 201, waxaa kaga khasaartay lacag ka badan afar Milyan oo Euro halka dacwadaan cusub lacagta uga baxday ay kor u dhaaftay hal Milyan oo Pound, marka la eego qareenada qaaliga ah oo ay qabsatay.

“Maamulka Dahabshiil, waxaa la gudboon inay xaqiiqsadaan in Madax banaanida Saxaafaddu tahay lama taabtaan” ayuu yiri Dahir Alasow.

Dhinaca kale ururka uu matalayay Dahir Alasow ee Associated Somali Journalsts waxay Hambalyo iyo Mahadcelin u direen Qareenadda u doodayay madaxbanaanida Saxaafadda kuwaas oo kala ah, Margriet Koedoder iyo Frouke Hekker.

Associated Somali Journalists ASOJ, waxay sidoo kale hambalyo gaar ah u direen dhammaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan Wariyeyaashii ka qeyb qaatay kiiska Maxkamadda sida Halbeegnews.net ,Qurbejoog.com, Galmudugnews.com, Khaatuma.com iyo Boocame.com.

“Guusha laga gaaray Dahabshiil maaha mid Dahir Alasow uu gaaray ee waa guul u soo hoyatay dhamaan Saxaafadda Madaxabanaan ee dunida, waxaana muhiima in Xorriyada loo dagaalamo si dhiig miiratada arxanka daran loo tuso in lacagtooda uu sharciga ka sareeyo” ayaa lagu yiri bayaanka ASOJ.

Inta badan Somalida ku nool Magaalada Breda ee Gobolka Brabant ayaa Mashxarad iyo dabaaldeg isugu soo baxay markii ay Warbaahinta ka arkeen in Maxkamada Ganaaxday Shirkadda Dahabshiil halka Kiiskii hore ee 8 Febaury2010 ay Jaaliyada ka aamuseen.

Dabaaldega Somalida Breda sameeysay ayaa sawir ka bixinaya shacbiyada sii kordheysa ee Dahir Alasow taas oo laga dareemay maalintii Maxkamada furantay oo taageerayaashiisa buux dhaafiyeen hoolka dacwada ka socotay.

Waxaa laga yaabaa in Maamulka Dahabshiil wax badan kala socon sumcad xumida ay kala kulmi karaan labada guuldaro ee Maxkamad ku taal Yurub ku laashay dacwadooda. Halkan Click sii oo arag warqadaha go’aankii Maxamadda

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online
Minneapolis, Minnesota
www.facebook.com/alaxmed

Use Facebook to Comment on this Post

kubad logo4
Subscribe to Comments RSS Feed in this post

4 Responses

  1. aniga oo ah dhoodimeer waxaan u jawaabayaa maxamed cali aniga oo haddana kadareema hadalkiisa in ay isku bahyihiin dhiigshiil walaal axaadiista iyo aayaad alle ma galaan lajiifiyaana banaan la joojiyaana banaan sida aadan siiro oo kale maad waanisid dhiigshiil marka uu bahdaa hubka u iibineyey si dad walaalahaaya loogu gumaado islaam maha miyaa dadkii lagulaayey tiknikadii dhiigshiil soo iibiyey ee laguna rakibay qoryaha geerashka qulube ee burco meeye hadraawi- .hasan geney -.gaariye -iyo kuwiinii ku doodi jirey xaq u dirir may kahadlaan dulmiga aad habeen iyo maalinba aad isugu gargaarasaan iyo dhulboobka aad wadaan. iyo godanaha aad u dirteen koonfur si ayan u degin aadna u gaartaan ujeedadiina guracan ee qabyaalada ku salaysan iyo kala goynta somaliya

  2. Waa guul darro u soo hoyatay ummaadda Soomaaliyeed guud ahaan. Daahir Calasow ceeb ayey ku tahay, oo sharikad Soomaaliyeed ayuu wax yeelay, Dahabshiilna khasaare ayey ku tahay. Suxufiyiinta Soomaaliyeed qaar badan oo ka tirsan ayaa baalmarsan sunihii nabeegeena Muxamad, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyo Diinteenna macaan waxa ay na farayso. Waxay suxufiyiintaasi raadraaceen habka ay u shaqeeyaan saxaafadaha reer calmaaniyiinta oo ah cambaareyn iyo ceeb u raadin si shaqsi am sharikad sumcad ama ganacsiga looga dilo, taasina waa xaaraan marka dib loogu noqdo diinteena xaqa ah. Waayo waxay ku salaysantahay tartan ganacsi oo ah adduunyo, ama xaasidnimo la xaasidaayo cid kale guulo ay gaartay ama wax ay dadka dheerahay, sida qurax, hanti, ganacsi ballaaran iwm
    Markaa Daahir Calasow wuxu ku faa’iidey Maxkamada ku shaqaysa Bani’aadam xeer uu dhoodhoobay oo baalmarsan tii Rabbi Weyne. Ilaahayna raali kuma aha xeerkaasi. Taasi guul maahan ee waa guul darro, iyo diintii oo lagu badalay waxa kale. Alaha naga koriyo dambigeeda.
    Markaa waxaan ugu baaqi lahaa Daahir Calasow iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed inay ku saleeyaan waxyaabaha ay qorayaan shareecada islaamka oo aan la baalmarin, waa iga dardaaran, waa iga waano walaaltinnimo, waa taladii aan nafteyda siin lahaa. Markasta tallaabada aad qaadeyso ku salee diinta islaamku waxa ay ka qabto, si Ilaahay raali kaaga ahaado.
    Suxufiyiinta calmaaniyiinta laguma dayan karo, dadaalkooda oo dhan wuxu ku salaysanyahay adduunyo. Waxad arkaysaa iyagoo nin siyaasiya dabagalaaya oo ilaa iyo xaaskiisa, sariirtiisa iyo gabdhihiisa wax ka sheegaaya. Taasi kuma dayan karno. Waa ceeb waa ceeb … subxaana laah.

    Dahabshiil mid baan odhan lahaa. Waxaad ahayd sharikad Soomaaliyeed ee ugu sharaf badneyd. Waxaad ahayd sharikaddii u horreysay ee abaaraha lacag ugu deeqda, ee masaakiinta u naxariisata, ee ka qayb qaadanjirtay horumarka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan ogahay waxyaabo badan oo aad qabateen gaar ahaa Waqooyiga Soomaaliya (somaliland).
    Aad baan idiinku hanwayneyn, waxaad ahaydeen dayax u soo baxay ummada Soomaaliyeed.
    Waxad shaqaaleyseen dadbadan oo aad waliba ku xulateen dhaqan diinta, adaabta, aqoonta IWM.
    Waxaad ahaydeen sharaf iyo hayban u soo koradhay Ummaada Soomaaliyeed dhammaan. Weliba xilligii ugu xumaa ee ummaddu rafaadka ku jirta ayaad soo baxdeen. Aad baad ula tacaasheen, rabbina kheyr badan ayuu idiinku baddalay.
    Waxaan is odhan jirnay waar madaxda Soomaaliyeed haddii ay sida Sharikad Dahabshiil u shaqeeyaan horumar ayaa la gaari lahaa. Sobotoo ah inta qof ee aad shaqaalayseen dawlad Soomaaliyeed ma shaqaaleynin. Sidoo kale mushaharada aad siineyseen shaqaalaha Dawlad Soomaaliyeed waligeed ma bixin.

    Markii ay reer Berbera ka hor yimaadeen in Warshadda sibidhka aad maalgelisaan dadbadan oo waxa garad ah ayaa aad uga xumaaday, sobotoo ah kumaankun ayaa shaqo ka heli lahaa, baahi badan oo ummaddu qabto ayaa halkaa lagu cidhibtiri lahaa. Waxan isweydiinay; “oo haddii sharikad ajnabi ah la siin lahaa reer Berbera ma diidi lahaayeen”. waa maya. Maxay ku diidayaan sharikadda sharafta leh ee waddaniga ah, ee ummadda u soo halgantay? Markaan si walba u eegnay, waxay nala noqoto cudur aan daawo lahay oo Soomaliyi qabto waa “QABIIL”.

    Hadda Dahabshiil baan la hadlayaa sumcaddiinii hoos ayey u socotaa. Waa maxay sobobtu ? Waa siyaasadda aad gasheen. Waxaad ku milanteen maamulka madaxweyne Axmed Maxamed ee somaliland. Waxaad la soo baxdeen waxaan hore la idiinku aqoon. Shaqaalihiinii qaar ka mid aha ayaa Wasiiro noqday. Waxaa garab siyaasadeed ku riixdeen sharikado kale oo sidiinaa sharaf lahaa, idinkoo adeegsanaya qabiil iyo maamulka Somaliland. Waxa kale oo maamulkiinii hufnaa ku dabakhdeen habka ganacsi ee calmaaniyiinta, waxaad baalmarsantihii laftiimnu sunnihii iyo xeerarkii diinta islaamka. Taas ayaa keentay summcadiinii oo hoos u dhacda maalinba maalinta ka sii danbeysa,

    Waar hooy ka soo noqda. Waar isdaba qabta, oo ka hara siyaasadda, qabiilka, IWM. Dib ugu soo noqda dhaqankiinii aad ku soo kobocdeen. Waxaad ahaydeen ADEEGAHA UMMADDA SOOMAALIYEED. Hadda waxaa isku badasheen U ADEEGE QABIIL iyo CALOOSHOOD U SHAQAYSTAYAAL.
    Ummaddii shalay idinku hadaaqasay ayaa maanta idinku bannaan-baxaysa.
    Dib isku saxa, weli waa la idiin hanwaynyahay.
    Nabadgelyo

    Maxamed Cali
    mha1238@yahoo.com

  3. Waa guul u soo hoyatay saxaafadda xorta ah calasow waa suxufiga koowaad ee xaqiiqada raadiya marka taas oo kale waxa kasta oo jira saxaafaddu soo bandhigtana waxaa yaraada musuqmaasuqa ceebaha ay sameeyaan madaxda dawladdu,waa waxa ay reer yurub horumarka ku gaadheen, markaa calasow guul,guul.

  4. Guuldarada ku dhacday dhiigshiil waa in ay cashir u Noqotaa shirkadaha ku naaxay dhiiga dadweynaha soomaalyeed ee waliba aan Wax abaal ah u haynin dadka ay lacagta ka shaqatsteen wax canshuur ahna aan laga Qaadin

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: