London (Caasimada Online) Ilaga lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay shabakadda Caasimada Online in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay damacsan tahay in ay xil u magacowdo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horrey xilal uga soo qabtay dowladihii ku-meel-gaarka ee soo maray dalka.
Arrintan oo maalmahan suuqa ku jirtay waxa ay si rasmi ah u soo shaacbaxday markii la arkay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ku jira wafdi madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminaayo ee ku sugan magaalada London.
Illaa hadda si rasmi ah looma ogga xilka loo magacaabi doono wasiirkii hore ee xiririka iskaashiga calaamiga.
Laakin waxa la lee yahay waxaa uu noqon doonaa danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Yurub iyo Britain.
Waxa kaloo la sheegayaa in loo magacaabi doono ninka ugu sareeya ee qaban qaabin doona shirka bisha May ka dhacaya London, kaasoo madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Britain ay isla qaban doonaan.
Waxa uu ka mid ah musharrixiintii isku soo taagay xilka madaxweynaha bishii September sannadkii hore.
Waxa uu tan iyo markii uu ku guul dareestay xilkaas ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Cabdi Raxmaan Cabdi Shukuur Warsame oo siyaasadda soo galay markii midowgii maxkamadaha islaamiga dabayaaqadii 2006 ay burbureen isla markaana ay magangalyo ka raadsadeen dalka Eretria.
Si kastaba waxa u weyn ee lagu xusuusto ayaa ah taariikhdii madow oo uu dhaxlay markii uu ka mid noqday koox wasiiro iyo xildhibaano ah oo Dowladda Kenya u saxiixay inay qaadato qeyb ka mid badda dalka Somalia.
Inkasta oo heshiiskaasi markii dambe ay nasaqee Baarlamankii KMG ahaa ee dalka iyo Qaramada Midoobe, haddana weli Kenya dhul badeedkii ay kula wareegtay saxiixaasi weli ayadaa heysata oo ka billowday inay shidaal ka sahmiso.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka London













You must log in to post a comment.