Kaniiniga Viagra iyo xeeladda cusub ee CIA-da Mareykanka!

CIA-da Mareykanka, ayaa heshay hab cusub oo ay akhbaaraad kaga heli karto dagaal oogayaasha asal ku dhegga ah ee dalka Afghanistan, ayada oo u qeybineysa daawada galmada xoojisa ee Viagra, warbaahinta Mareykanka ayaa sidaasi ku warantay.

Wargeyska Washington Post, ayaa ku warramay in Viagra ay ahayd mid ka mid ah tiro xeelado ah oo la adeegsaday.

Hal xaalad, dagaal ooge lixdan jir ah oo qaba afar xaas, ayaa waxaa la siiyay afar xabo oo ah kaniiniga Viagra, waxaana afar maalmood kadib uu faah faahin ka bixiyay dhaq dhaqaaqyada dagaal yahanada daalibaanka, isaga oo taa beddelkeeda dhaafsanaya kaniiniyaal dheeri ah.

“Waxay ahaataba, Viagra, waxay sameysaa saaxiibo dadkana saameyn ayay ku leedahay” wakiil ka tirsan CIA-da ayaa wargeyska Washington Post uu kasoo xigtay isaga oo sidaas leh.

‘Xabbad dahabi ah’

Washington Post, waxa ay sheegtay in isticmaalka Viagra ay ahayd in si xasaasi ah faraha loola galo, sababtuna waxa ay tahay ayada oo dawadaasi aan inta badan si wanaagsan looga aqoon meelaha miyiga ah ee dalka Afghanistan.

Waxa ay kasoo xigtay wakiil howl gab noqday oo ka tirsanaan jiray CIA-a, isaga oo leh ” uma gacan gelin kartid kaniiniga ragga da’da yar, hase yeeshee waa xabad dahabi u ah si ay u fir fircooni geliso odayaasha gaboobay”.

Xaaladda la xiriirta dagaal oogaha lixdan jirka ah, oo ah madaxa qabaa’il dega koonfurta dalka Afghanistan, kaasi oo ana la shaqeyn howl wadeenada, ayaa CIA-da waxa ay ogaatay inuu lee yahay afar xaas oo aad uga da’ yar isaga.

Markaa kadib ayaa waxay u sharaxeen ayna siiyeen kaniiniga Viagra. Afar maalmood kadib ayaa wakiilada CIA-da Mareykanka ay ku soo laabteen.

“Afar maalmood kadib, waa uu inoo yimid isaga oo faraxsan” wakiil CIA-da ka tirsan ayaa sidaaasi u sheegay Washington Post, isaga oo ku daray “waxa uu igu yiri ‘waxaad tahay nin weyn’.”

Markaa kadibna waxa uu yiri waxa uu inoo sameynayay wax walba oo aan uga baahano deegaankiisa.

Sarkaal kale oo ka tirsan CIA-da ayaa yiri in kaniiniga Viagra uu kusoo celin karo hogaamiyayaasha qabaa’ilka kalian ay si mas’uuliyadeed ugu dhaqmaan.

Jariirada The Washington Post ayaa sidoo kale qortay in CIA-da Mareykanka ay heysato waxyaabo badan oo ay ku dhiiri geliso hogaamiye kooxeedyada aan la baddeli Karin ee dalka Afghanistan, oo ay ka mid yihiin ayada oo la siiyo caafimaad dhinaca ilkaha ah, fiisooyin iyo kaniiniga Viagra ee galmada xoojiya.

Waxa ay kasoo xigatay sarkaal gaar ah oo dhinaca amniga qaabilsan in hadii si deg deg ah lacag fara badan loogu balan qaado dagaal oogayaashaasi ay durbaba shakinayaan, sidaa darteedna ay adeegsanayaan xeelado cusub.

By: Axmed Cali Sheikh

www.facebook.com/alaxmed


kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: