Qeybti – 2-aad Qeybti 1-aad halkan ka aqriso
Akhristoow sannad Dugsiyeed 1972-1973 ayaa la soo gaaray Qeybtiisii hore ( Term 1 ) imtixaan baa la iska qaaday , Sannad Dugsiyeedkaas kala guur buu ahaa oo waxaa la bilaabaayey in Dugsiyadda Dhexe oo dhanba Af Soomaali lagu soo rogo , Marka waxaa la qaadanaayey Duruus aad u far badan.
Markii Imtixaankii la soo celiyey Natiijadiisii Ardey aad u fara badan ayaa ku dhacday oo la siiyey Natiijo Qalin cas ku qoran , Xataa Ostan oo ahaa Ardey Waxbarashada aad ugu fiican ayaa ku dhacay oo keenay Natiijo Barmooskii dhawr Buundo Uga Dhiman yihiin, waxaa lagu barmoosaayey 350 Ostan Wuxuu keenay 326, Maryanna waa ku dhacday wolow uusan Ostan Arrinkaas ogeyn .
Maxaa Ostan ku dhacday iska garo Jaceylkii Dugsiga Dhexe ayaa dib u dhigay Iyo waliba Sannadkaas Wuxuu Ostan ku mashquulsanaa Barashada Dabaasha oo Galab kasta wuxuu aadi Jiray Badda Geel liq, ayadoo Lala qabo Ciyaartiissii Kubbadda Cagta oo Ayana Meesha ka maqneyn.
Natiijadii Imtixaanka ee soo noqotay Ostan yididiilo Iyo wax Akhris bay u horsseeday, toloow Maxaad Waalidkaa u sheegi ayuu is yiri , markaas Ayuu guntiga dhiisha iskala dhigay oo uu Waqti uu wax Akhristo sameystay.
Jaceylkii se halkiisii Ayuu ka sii miisay oo waa ku sii Ballaartay har Iyo habeen Maryan baa hortaagan, arageedu Wuxuu u ahaa abshir, Hadalkeedu Wuxuu u ahaa Guul uu gaaray, Qosolkeedu wuxuu u ahaa farxad, kaftankeedu Wuxuu u ahaa yadadiilo, Sheekadeedu waxay u aheyd macmacaansi.
Maryan Dhankeeda mar kasta Ostan wey la kaftami Jirtay Siiba Naaneysta aabihii Ayey ugu yeeri Jirtay ( Gacamay ) waxay jecleyd in ay Hadallo ku tuurto markasta uu soo ag istaago.
Tolow ayaduna ma jeceshahay , Kolley Ostan ma oga se in ay u janjeerto Wuu Dareemayaa, oo mararka qaarkood Gacmaha Ayuu ku dhagaa, markaas bay iska Fujisaa ayadoo la xarbineysa oo mararka qaarkood ay dhirbaaxo ugu badashaa, markuu isku dayo in uu soo cagacageysto.
Sannad Dugsiyeedkaas Dhexdiisa ayaa Dugsigii 21Oktoobar waxaa ku soo Biiray Ardey ka timid Iskul Private ahaa ooy dhigan jireen Ardeyda Qoysaska Ladan oo ku yiilay Xaaffadda Shangaani, Kaas oo Dumay.
Fasalkii Ostan waxaa ku soo Biiray Ciyaal Talaago sida Ilmo jirdi Husseen Iyo Ilmo Qoorsheel Iwm.
Ostan asagoo wali la rafanaaya Jaceylkii Maryan oo a walina u sheegan, ayaa la soo gaaray Imtixaankii Kama danbeysta ahaa ee Fasalka 6aad Iyo Gabagabadii Sannad Dugsiyeedka.
Maalmihii Imtixaanku socday waxaa Ostan Booskiisii isku diriray labo Saaxiibadiis ah si ay ula Fariistaan ooy Qish Uga Helaan,mid ayaa ku guuleystay in uu Booskii fariisto taas baana u saamaxday in uu u gudbo Fasalka Toddobaad oo Af Ingiriis lagu dhigaayo. Kii kalase Wuu dhacay wuxuuna ku noqday Isla Fasalkii Lixaad oo Markaan Af Soomaali lagu dhigaayo.
Akhristoow Ostan Wuu Barmoosay waliba 10 kii ugu horeysay buu galay, se Nasiibdaro waxaa ayaduna Dhacday Jaceylkiisii Maryam oo ayaduna Fasalkii Lixaad Af Soomaaligu ku soo qabtay.
Ostan Faraxa Barmooskiisa uma dhadhamin ee Wuxuu ka naxay dhicitaanka saaxiibadiis, Jaceylkiisii Dugsiga Dhexe Maryaneeeey.
Habeenkaas Uu Maqlay Maryam Dhicitaankeeda Ostan waxay u aheyd Habeen Murugo ileen Wuxuu ogaa in uusan Maryam Aragtideeda Iyo Sheekadeeda Iyo kaftankeeda ku Rayrayneynin oo Ayaamuhu kala xireen.
Ostan Jaceylka hayey Dartiis Maryan kulama Dhici Karin in uu ku yiraahdo waan ku Jeclahay , se xaalkiisu Wuxuu ahaa mid Aragtideeda Maalin kasta ku Raaxeysta ,Indhaha ku qaboojista,Faraxa Iyo Rayraynna Qalbigiisa ka buuxisa , se Tolow muxuu Haatan Sameyn doonaa .
Markii Sannad Dugsiyeedkaas Dugsigii la xiray Ostan Wuxuu sii watay Dabaal barashadiisii Iyo Banooni Ciyaarkiisii Iyo Filim galiddiisii, Sidoo kale Ostan Kama suulin in uu Habeenkii baxo oo Xaafaddaii Hodan Jidka u sii talaabo si dhawr jeer Guriga Maryan u sii hor maro bal si uu ugu Guuleysto in uu mar uun Isha ka soo qaado Tii uu jeclaa si uu Habeenkaas hurdo fiican u lado.
Ostan waxaa dabeecadihiisii ku soo Biiray in uu noqday mid farax Iyo cabsi isku jira hoostiisa ka Dareemayaa,mid khafiif ah oo in uu duulo raba, mid cabsiyi la soo daristo markuu is dhaho Maryan helimeysid, Mid farax is Hayn waaya markuu is dhaho Maryan baad Guursan doontaa oo Xaas kuu noqoneysa.
Waxaas oo Jaceylkii ah Ostan ruuxna lama qeybsan in uu Maryan Jecel yahay Xataa Saaxiibadiisii ugu dhawaa,maxaayeelay wuxuu ka baqaayey in lagu yiraahdo Maryan Ayuu Jecel yahay, taas oo Dhalinta waqtigiisu ceeb u arkeen kuna foorjeynayaan hadji ay Sirtaas ogaadaan .
Waxaa Kaloo ku soo Biiray noloshiisa in uu jeclaado Heesaha Siiba kuwa Jaceylka Sida Baladweyn iyo beerlula ee uu qaado Xasan Adan Samatar, Iyo Ubaxoo dilaacoo oo uu qaado Musse Ismaaciil Qalinle.
Waxaa Kaloo jaceylkiisa sii hurin Jiray Aflaamtii Hindiga Iyo heesahoodii Jaceylka ahaa taas oo Ostan ku bixin jirtay in uu uusan jimco kasta ka baaqanin Shaneemo Soomaaliya.
Ostan faqrinimada reerkiisa ma awoodin in ay u iibshaan Dharka Iskuulka ama ( uniform) Iskuulka lagu aado oo wuxuu haystay shaati kaliyah, ma haysan Surwaalkii kaakiga ahaa, wuxuuna la isticmaali jiray Saaxiibkiis Axmed oo asagu galabtii dugsiga dhigan jiray , Ostanna subaxdii buu ku aadi jiray , Axmedna Galabtii buu ku aadi jiray .
Waa inoo Qeybta Seddexaad Insha allaah .
ostan_gacamay@hotmail.com













09/17/2012 at 7:35 PM
aniga waan ka helay sheekadan maxaa yeelay waa wiil faqiir ah aan waxba heysan laakiin wuxuu heys taa wax ka muhiim san lacag waana qalbiga jaceyl sidiisaba ma ahan wax la iibsado ama wax ciyaar lagu helo mana ahan wax aad diyaarsan kartit ee isagoon balan loo qaban ayuu iska yimaadaa jaceyl waa wax wanaagsan mana ahan wax lagu ciyaari karo hadaba jaceylku waa waxa ugu qaalisan ee aduunka hantida aduunka taal oodhan lagu ma gadan karo lixda erey ee jaceyl hadaad wax jeceshahay hadaba ku dheg hana sii deyn jhadaad deysid si dheel ah kuma heli kartid mid la midah