Islaamku waa Diinta ugu faafitaanka badan Caalamka ( Maxaadan ogeyn oo ka socda dalalka galbeedka?)

Islamku waa diinta ugu faafitaanka badan caalam,ayadoo ay jirto cadawtooyada iyo xasidnimada ay u qabaan kuwa islaamka ahayn ee fahamsan saxnimada diinta islamka.

baaritaan la sameeyey waxaa lagu ogaaday, in tashwiishki iyo suurad xumeynti lagu sameynaayay islamka ay guuldareysatay, islaamkuna uu si saa,id ah ugu faafayo meelaha ugu coleytanka badan islamka sida mareekanka iyo yurub iyo dhamaan dunida dacaladeeda.

Waxaa la sheegay in korarka tirada muslimiinta ee caalamka ay noqotay 20%, ayadoo la filayo in sanada 2015 uu ka sii siyaadi doono intaas, halka tirada kuwa aan muslimiinta ahayn ay hoos u dhicidoonto 6%, waana sababtaas waxa ku kalifay in uu yiraahdo aqoonyahan reer galbeed ah oo aaminsan diinta waxa loogu yeero catholicska.

“TIRADA MUSLIMIINTA WEY KA DHEEREYSAY AMA KA BADATAY TIRADA CATHOLICSKA, WAXAYNA KA DHIGANTAHAY IN AY MUSLIMIINTA NOQDEEN KUWA UGU TIRADA BADAN ADDUUNKA WAANA MARKI UGU HOREYSAY OO AANAN UGU TIRABADNEEN (CATHOLICS).

Warbixin uu diyaariyey bogga CNN, oo uu cinwaankeeda ahaa, kobaca dagdaga ah ee muslimiinta gudaha galbeedka, waxaa lagu sheegay in dadka reer galbeedka ah ee islaamayo tiradooda ay aad u badantahay, si xawli ahna ay u socoto, 12sano gudahood ayaa 1200 masjid looga dhisay gudaha qaaradda ameerika midaas oo u dhiganto in sanadkibo 100maajid la dhiso, waxaana xusid mudan in dadka ameerikaanka ah ee islaamayo ay isku badalayaan ducaad dadka ugu yeero diinta islamka kadib marka ay diinta si wanaagsan u bartaan.

Waxay xaqiijinayaan inbadan oo kamid ah ragga waxbaaro, in wax kabadan kun ameerikaan ah ay islaamaan sanad walba, kadib dhacdadii 11september ee lagu burburiyey daarihii ganacsiga ee mareekanka taasoo ku dhalisay muwaadiniin badan oo mareekan ah in ay aqriyaan buugaagta islamka si ay wax badan uga fahmaan islamka iyo muslimiinta.
waxayna qabaan khubarro badan oo mareekan ah in ay siyaaday islaamidda ameerikaanka wixi ka danbeeyey dhacdadaas septembar dadkana ay u islaamayaan si aan horey loo arag.

Arrinta layaabka ku noqotay ragga waxbaara ee reer galbeedka ah waxay tahay, in dadkaas islaamayo ay isku badalayaan ducaad dadka ugu yeerayo islamka, waxaad arkeysaa ninki oo xaaskiisa iyo carruurtiisa islaamka ugu yeerayo iyo sidoo kale waalidkiis hooyadiis iyo aabihiis, kadibna asxaabtiisa, dariskiisa, asxaabtiisa goobaha shaqada, ilaa kuwa ay basaska iyo melaha caamka ay isku arkaan, maxaa yeelay islaamki ayaa si guud u saameynayo isbadal weyna ku ridayo taas oo sababeyso in qaab nololeedkiisi uu sanooyin ku soo noolaa uu wax ka badalo xumaan fara badan uu sameyn jirayna ka haajiro, sida galmada sharci darrada ahayd oo uu iska daayo, cabbitaanki qamriga, iyo wax walbo oo uusan Ilaahay raali ka ahayn.

Haddii an si wanaagsan u baarno sababta ay dadkaas u soo islaamayaan, waxaad arkeysaa in badankood aysan ku soo islaamin mucjisooyin ay arkeen, ama dood cilmiyeed lala yeeshay si loo tuso in Islamka yahay diinta saxda ah ee Ilaahay raaliga uga yahay addoomadiisa, lakin waxay aqriyeen kitaabo ku saabsan islam waxayna arkeen in uu yahay diinta saxda ah in uu yahay, waxa ku jiidayo in ay islaamaana aytahay baahida ay u qabeen diinta saxda ah in ay ogaadaan ayna heleen baadidi ka maqneyd.

haddii ay dadka muslimiinta ay xil iska saari lahaayeen waajibkooda diiniga ah ee faafitaanka islamkana waxaa xaqiiqo ah in tirada muslimiinta ay ka badan lahayd inta lafilayo sanadaha soo socdo.

Waxyaalaha laab qaboobsiga leh ee ay warbixinada soo gudbinayaana waxaa ka mid ah, in tirada ugu badan dadka soo islaamayo ay yihiin dumar, kuwaas oo ku nool qaaradaha yurub iyo mareekanka.

waxaana taas sabab u ah dhibka dumarka ku haysto goobahaas haweenka loola dhaqmo sidii aalad ragga loo sameeyey, xuquuqdoodiina lagu tuntay, waxayna ogaadeen sida ay ugu sharfanyihiin islamka dhexdiisa una yihiin dheeman iyo luul aan laheli karin ilaa Nabigii diintaan lala soo diray dardaarankiisi ugu danbeeyey ee umaddiisa u dardaamo ay ahayd salaada iyo dumarka.

Waxyaalaha soo jiidanayo indhaha baarayaasha islamkana waxaa ka mid ah in 1400sano ka hor ay diintaan ku bilaabmatay hal nin, nabiyullaahi MUXAMED SCW, maantana ay tiradooda aytahay kabadan 1500malyuun oo muslimiin ah!! lakin tirada bilowgi muslimiinta ay ahaayeen fara ku tiris, laakiin hamigooda sareeyey nabigana ugu bishaareeyey in uu islamka gaaridoono meel walbo.

Nabiga scw, wuxuu muslimiinta ugu bishaareeyey in uu islamka gaari doono meel walba oo uu habeenka iyo maalinka gaaro, dhab ahaantina maanta meel walbood takto waad ugu tageysaa muslimiin iyo masaajid .

Gabagabadii, cadowga islamka wuu isku dayay in uu islam xidido siibo kana tirtiro caalamka, laakiin Allaah kor ahaaye ayaa ka diiday ilaa in uu sugo nuurkiisa ma ogiye, haba dhibsadeen kuwa diidane.

ma jirto qorax iyo maalin cusub illaa waxaa jiro muslim cusub oo kasoo guuray mugdigi iyo carriirigi nolasha una soo guuray hanuunka iyo waasaca nolasha ee islamka, waxaana la yaab leh diintaan macaanka badan ee soo jiidaneyso qalbiyada caqliga ka hor, waxaa mahad aan la soo koobi kari iska leh Allahii nagu hanuuniyey islaamka mana awoodi lahayn in aan helno macaanka islamka hadduusan Ilaahay nagu hanuunin lahayn.

waxaa soo aruuriyey saaxiibkiin
Mohamed H. Biikole biikolesom@hotmail.com

@biikolesom

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

kubad logo4
Subscribe to Comments RSS Feed in this post

2 Responses

  1. Maansha Allaaah.run ahaantii waa qormo lagu diirsado oo qalbigu ku doogsado.qoraaga diyaariyay iyo webka soo gudbiyayna Allaah ha ka abaalmariyo

  2. maaasha allaaah ilahey ajar aan la soo koobi karin hakaa siiyo walaaaalow diintana kor alle haka dhigo

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: