Ii qor xildhibaanka qarashna qaado.

Magaalada Mogadishu maanta waaxaa ka socda arima xasasi ah oo ku xirin masiirka umada Soomaaliyeed,iyadoo ay saas tahay hadana sheekada markaad dhinac walba ii fiiriso waxaa meesha kaaga muuqanaya inay arinta Soomaaliya aysan wali kow joogin

hadalheynta Mogadishu maanta waxay tahay xiladhibaan ayaan rabaa laakiin xildhibaanku maahan kii la soo dooran jiray ee codka dadka ku xirnaa kan waxuu ku xiranyahay odey afar jeeble shaar ah wata hadana aan shaqo ku laheyn dan Soomaaliyeed ee eegaya dantiisa tasoo noqotay markii danbe yaa jeeb roon oo aan xildhibaano u qoraaa

sheekada ii qor qarashna qaado waxay tahay qaar ka mida madaxda dalka iyo waliba kuwa sharaxan ee doonaya madaxtinimada ayaa odayashii u tagaya oo dhahaya xildhibaankaan ii qor qarashna qaado kadibna aniguu i dooranyaa

arinta layaabka iyo amakaaga igu riday ayaa aheyd oday dhaqameed ka mida kuwa xulya baalramaanka ayaa madaxweynuhu ku yiri jufadaan reer hebel sedexdaan nin ku soo qor xiladhibaanimada qarashkana waa diyaar magacyadoodana waa u gudbiyay odeygii ok ayuu saaray kadibna ra’iisulwasaarihii ayaa yiri sedexdaan kale ayaan wataa ee jufadan u soo mmagacow sedaxdaan kale oo waliba kuuwii madaxweynaha aan aheyn waana isla jufadii laakiin waa kala duwanyihiin odeygii isaga dukaankiisaba maanta camirna hadan ok ayuu saaray kistiisna jeebka inta gashtay ayuu waliba galuuska u sii xirtay gudoomiyaha baarlamaanka ayaa yimid oo dhahaya sedexdaan ku qor jufadaan ok ayuu hadana saaray hal jufo ayuu 9 nin ka qoray laakin midka uu gudbin doona lama oga hadan xildhibaanadaas ku ligood mid walba anigaa qoran ayuu dhahayaa oo taay dheer ayaa qoorta ugu xiran

sida uu musuqmaasuqu u baahay oo uu xidadadda uga galay siyaasiyiinta iyo waliba odayaasha dhaqanka ayaa waxay tahay mid shaki ku abuuraysa ummadda ka sugaysa isbedel inay keenaan,xildhibaan lagu soo doortay jeeb oo aan aqoon iyo karti lagu xulin waxuu dooranayaa madaxweyne aqoon iyo karti laheyn madaxweynahaasna waxuu dalka ku hagayaa siyaasad qasan iyo waliba qaran gadasho

maanta oo aduunyadu gaartay hormar iyo aqoon xadaarada ayaa hadana waxaa layaab leh in xildhibaanka aan wax shahaado aqoon lagu xirin marka lagareebo dugsi sare ama wax u dhigma oo micneheedu yahay inuu xaashidda loo keeno aqirnkaro laakin aan sharci iyo siyaasad degan ama jaangeyn mustaqbal Dal aanu keeni karin

maanta aduunka xildhibaanka soo galaya baarlamaan waxa ugu horeeya ee lagu xiro waa inuu aqoon jaamacadeed haysto kenya jabuuti tansaaniya iyo wadmo badan oo Soomaliya daris la ah xildhibanadooda waxay haystaan aqoon jaamacadeed marka baarlamaankenu waxuu noqonayaa albaab u furan jaahil iyo aqoonlaawe
hadaba marka arinkaas laga soo tago xildhibaandaan yeey dooran doonaan ma raga xilalka haya hada mise kuwa banaaka ka taagan doowlada,taas jawaabteeda waxay noqonaysaa hadii ay saan ku sii socoto waxaa muuqata in shiek shariif uu daaha gadashiisa ku jiro waayo isagaa wax walba maanta isku haysta

Cabdi rahmaan Cabdi Shakuur
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
Cabdulaahi Ahmed Cadow
Maxamed M Gacmadheere
Axmed Ismaaciil Smatar
Cabdi raxmaan Baadiyow
Cabdulaahi sheikh Xasan

ragaas oo hada u hanqaltaagaya jagada madaxweynaha Soomaaliya waxay ku jiraan xaalada adag oo waayo waxay la hardamayaan Shariifka kursiga ku fadhiya shariif xasan oo jeebkiisu buuxo iyo Gaas oo isna boorsada xaaskiisa xoogaa fiican ugu jiro nin kastaan goonidiis ayuu u dagaaltagay

hadaba siyaasiyiintaan badan oo maalmahan ka cabanayay dhaqaalaha dowlada iyo waliba warbaahinta qaranka inay is ticmalayaan madaxda dowlada ee sharax hadan wax dheg jalaq u siiyay ma jirto waxayna arinta ragaan cusub u muuqataa mid adag in kastoo laga yaabo turubku inuu is gadiyo oo madaxda caalamku ku yiraahdaan shariifyada iyo Gaas shaashada ka baxa ragkale ayaa lawadaa

isku soo wada dooboo Mogadisho maanta waa ii qor qarashna qado odey dhaqmeedku maanta shaxaad ayaa loo wada doonayan isagaa hilibka hasha maandeeq qeybinaya laakin ma siinayo masakiinta ninkii wax haysta ayuu cadkiisa siinayaa waliba beerka iyo kuriska ragbaa meel loo dhigay

W/D: Bile Gurxan Rotterdam
bilebeeri@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: