Hakad ku yimid Howlaha Garoonka Gaakacyo iyo madaafiic ku socota.

Gaalkacyo(Caasimada.com)-Waxaa maanta hakad ku jira howlaha shaqo ee Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo maalintii shalay madaafiic lagu weeraray iyadoo Masuuliyada weerarkaasna ay sheegteen dadka deegaanka qaar kamid ah.

Sida uu Shabakada Caasimada usheegay Duuraan Xuseen Geedi oo ah Mid kamid ah dadka Gaalkacyo ayaa sheegtay Masuuliya Weerarka lagu qaaday magaalada Gaalkacyo isagana uu hogaamiye uyahay kooxaha Madaafiica ku tuuraya Garoonka.

Hogaamiyahan oo aynu waydiinay sababta ay uweerarayaan Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa uu inoo sheegay in Dhul ay iyaga iska lahayeen qayb kamid ah laga dhisay Garoonka Diyaarada Gaalkacyo loona diiday in dhulkooda dib loogu soo celiyo.

Duuraan Xuseen Geedi ayaa ugu digay Shirkada Diyaaradaha inay kasoo dagaan Garoonka Gaalkacyo hadii kalana ay madaafiicdaa ay waxyeelo ugaysan doonto.

Waxuu sheegay inay sii wadayaan Duqaynta ilaa iyo dhulkooda dib loogu soo celinaya ,waxaana maanta hakad kujira Garoonka Diyaaradaha gaalkacyo oo dad shacab ah Madaafiic kuwaadaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: