Gabar reer Muqdisho ah oo hadal cajiib ah ka dhigatay meherkeeda.

Waxaa muqdisho ka dhacay Aroos lagu aqal geeyey labo qofood oo muddo jaceyl wadaagayey una gudbay inay dhadhamiyaan mirihii ay ka guran lahaayeen geedkii Cishqiga ay beereen.

Iyadoo kulankii Meher dhageysiga la joogo ayna goobta kusugnaayeen odayaasha labada qoys iyo Culimada nikaax xirayey ayaa gabadha la guursanayey waxay sheegatay inan lala guursan naag (Gabar kale) ayna meherkeeda sidaa uu yahay.

Dad badan ayaa ka yaabisay hadalka kasoo baxay gabadhaaasi oo ay meher
ahaan ku sheegatay in Gabar kale uusan la guursan ninkeeda ay nolosha la wadaageyso.

Waa mid adag nin rag ah oo ku dhiiran kara dhaqan gelinta oraahdaasi oo kale iyadoo la og yahay in shareecada islaamka Ragga ufasaxday inuu afar xaas guursan karo hadana miyaa la helayaa Nin sameyn kara Arintaasi?

Gabdhuhuse maxay ugu badan yihiin inay kasoo horjeestaan in Gabar kale lala Guursado haka horeyso ama guurkeeda kadib saaxiibkeed ha guursadee?

 

 

Isha: Iftineducation

 

 

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: